Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

PDRC oo Gaalkacyo ku qabatay kulan ku saabsan ka hortaga ficilada hor-seedi kara colaada (Sawirro+Cod)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Hay,ada Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa Maanta Maagaalada Gaalkacyo ku Qabtay kulan looga hadlayey Xakamaynta Dejinta iyo Yaraynta, Ficillada Hurin kara Colaad Dib ugu so laabta Gabalka Mudug.

kulankan oo ka dhacay Xurunta Shirarka ee Gobalka Mudug,Waxaa ka so qayb galay,Nabdoono,Waxgaraad,Dhalinyaro,Haween,Culuma udiin,Maamulka Degmadana Gaalkacyo Iyo kan Gobalka Mudug.
Waxaa intii uu socday kulanka aad logu Dhee-radey Muhiimada ay Nabadu leedahay,iyo sida ay bulshadu uga qayb qaadan-karto.

Maxada PDRC Gaalkacyo mudane Burhaan Axmed Daahir oo Daahfuray kulanka ayaa aad ugu dheeraaday sida loo Xakameyn-karo Ficilada keeni kara Hurinta Colaada,Waxaana uu aad ula Dardaarmay Bahda ku shaqaysa Mihinada Saxaafada.

Hay’adda ayaa kasoo qayb galayaasha kulanka usoo bandhigtay muuqaal ay ka diyaarisay saamaynta uu dagaalkii Gaalkacyu ku reebay shacabka iyo sida ugu muhiimsan ee nabadda looga wada shaqayn karo
Gudoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Mudug Dhudi Yuusuf ayaa sheegtey in ka Haween ahaan ay Door Muuqada ka ciyaaraan Nabad,cidii ka shaqaynaysana ay garab buuxda siinayaan.

“Ka Haween ahaan Nabada ayaan Marwaliba ka shaqaynaa,colaadu Marka ay dhacdana cid ugu horaysa ee ay saamayso waa anaga iyo Caruurteen,waxaan u baahanahay Nabad Waarta iyo war xuma tashiilka oo la sika qabto” ayay tiri Dhudi ow yuusuf.

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdisiis Jaamac Nugaal ayaa sheegay in koofurt iyo waqooyiga Gaalkacyo ay joogan Dad Nabad ka soo horjeeda,buunbuuniyana Wararka Colaada iyo dagaalada.

Ugu Danbaytii Waxaa kulanka so xiray ku Xigeenada Gudoomiyaha Gobalka Mudug Farxaan Cali Xaad iyo Axmed Muuse Nuure Yare oo sheegay Nabadu qiimaha leedahay iyo Doorka ay Puntland ku leedahay.

4_1

11_1

16

20

c7

c7_1

c8

c13

c15

c15_1

c18

c20

c21
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>