Garowe(pp) Wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Puntland ayaa maanta xarunteeda magalada Garowe kulan sagootin ah ugu samaysay 15-haween ardey ah oo Jaamacad looga helay wadanka Suudaan.
Sagootintan waxaa kasoo qayb galay wasiirka waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaradda, iyo masuuliyiin kale oo xarunta ka tirsan.
Agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Axmed Cabdi Cali Shire (Kayse) ayaa sheegay haweenkan oo ka baxay dugsiyada sare ee Puntland in waxbarasho deeq ah wasaraddu uga heshay wadanka Suudaan ayna muhiim tahay inay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah.
Kulankan sidoo kale waxaa ka hadlay Agaasimaha waaxda qorsheynta waxbarashada Asma Cabdiqaadir, Agaasimaha kobcinta iyo horumarinta gabdhaha Faadumo Shugri, agaasimaha waaxda tayeynta manhajka iyo kormeerka waxbarashada Cabdiqaadir Yuusuf, waxay dhammaan masuuliyiintaasi ku dheeraadeen fursadan ay haleen gabdhahan ardayda ah iyo sida looga baahan yahay inay uga faa’iidaystaan.
Ugu danbeyntii wasiirka waxbarashada Puntland Abshir Yuusuf Ciise ayaa ugu hambalyeeyay ardaydan deeqda waxbarasho ka helay wadanka Suudaan, waxa kale uu sheegay inay mar kasta ka go’an tahay wasaraddu sidii kor loogu qaadi lahaa deeqaha waxbarasho gaar ahaan tan haweenka.
Wuxuu kula dardaarmay inay fursadan ka faa’iidaystaan maadama waxbarasho lacag la’aan ah heleen, ayna dib ugu soo laabtaan wadanka iyagoo aqoon yahan ah.
Ma ahan markii ugu horaysay wasaradda waxbarashada deeq waxbarasho u heshay ardayda ka qalin jabiyay dugsiyada sare ee iskugu jira ragg iyo dumar.