Baladweyne(PP):Madaxweyne maamul Gal-mudug iyo Wafti wasiiro ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iygoo utagay xasilinta dagaal maalmahan ka aloosna Magaalada.
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadal ka jeediyey kulan ay la qaateen Odayaasha beelaha Hiiraan ayaa sheegay inuu yahay Madaxweynaha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.
“Aniga waxaa ahay reer Beledweyn iyo reer hiiraan, magaaladan xudunteeda ku duugan tahay, ka sokow inaan ahay Madaxweynaha Galmudug, dhinaca kalena waxaan ahay Madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, inta aan maamul goboleedka loo dhisin, mar hadaan deegaankan ka soo jeedo iyo mar inaan ahay Madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ahay inta madaxweyne ka dooranayaan ayaa isoo dhaqaajisay”ayuu yiri Cabdixakiin Guuleed.
Marka laga yimaado hadalkan waxaa socda hadal hayn ku aadan in Cabdixakiin uu wado sii labadaa gobol uga mid noqon lahaayeen Gal-mudug isagoo ka faa’iidaysanaya maamul la’aanta ka jirta goboladaasi.
Dadka iyaga udhunda loola Siyaasada gobolada dhexe ayaa sheegaya in Cabdixakiin Guuleed uu haatan u muuqdo mid xooga saaraya sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Siyaasiyaasiyiinta kasoo jeeda labada gobol ayaan walin ka hadlin arintaan,balse dadka qaarkood ayaa iswaydiinaya malaga yaabaa in dowladda Fadaraalka uga laato in Gal-mudug ay ku biiran labada gobol ee Hiiraan iyo Sh dhexe oo ay doonayso inay uwaxayso maamul goboleed gaara oo qayb ka ah Fadaraalismka la rabo in dalka laga qayb galiyo.
Su’aasha kale oo meesha ku jirta ayaa ah maxaa keenay in Cabdixakiin Guuleed inuu hiiraan iyo sh/dhexe ku biiraan Galmudug,su’aashan ayey dadka qaarkood uga jabeen isagoo Cabdixakiin uu kasoo jeedo Gobol Hiiraan iyo inuu rabo inuu ku badsado maamulkiisa si meesha ay uga baxdo muranka meelaha qaarkood laga qabo Galmudug.
Puntland malaga yaabaa inay aqoonsato Gal-mudug hadii labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ay ku biiraaoo markaas noqonaysa sedex gobol iyo bar,iyadoo hada hada ah gobol iyo bar, islamarkaana Puntland ay diiday inay aqoonsato oo sheegtay in la hareermaray Dastuurka oo qoraya in maamul ay samaysan karaan labo gobol iyo wixii ka badan.
Puntlandpost.com.
Xasan baashe.