Garowe(pp) Xildhibaan Maxamed Axmed Ibraahim (Deeq) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka banaan baxaan nidaamka 4.5, kaasoo madaxda qaarkood doonayaan in lagu saleeyo doorashada 2016.
”Shacabka Soomaliyeed meel-walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in ay dareenkooda muujiyaan kana dhidhiyaan nidaamka 4.5 oo aan xalal ahay waxaana shacabka ku buurinaya in ay deegaankooda ay cid rabitaankooda ku shaqaysan”.
Xildhibaan Maxamed Deeq oo la hadlayay Puntland Post ayaa sheegay inuusan aamin sanayn in madaxda Puntland ee ku sugan magalada Muqdisho ay aqbali karaan nidaamka 4.5 oo uu ku sheegay inuu yahay mid qabiiladda Soomaalida kala soocaya.
”Maqabo in ay Puntland aqbalayso waxana ku bogadinaya in aysan aqbalin 4.5,waxana ugu hambalyeeyay madaxda Puntland iyo Jubbaland ee Xamar joogta sida wanagsan ee ay rabitanka shacabka ay ugu shaqeeyaan”.
Xildhibaankan ayaa sheegay xalku inuu ku jiro in doorashada 2016 lagu saleeyo nidaamkad eegaanka oo aan dib loogu laaban nidaamka hadda dowladda dhexe ku dhisan tahay sidoo kale shirarka madaxda uga socota Muqdisho ayuu u rajeeyay inay kasoo baxana is-fahan guulaysta.
”Waxan rajaynaya in ay ka so baxdo wax Somali dan u ah hormarna gaarsiiya qabilkana ka gudbiya umada Soomaliyed oo ah umad muslim ah Waxan umadad Soomaliyeed ugu baqayaa dal iyo dibad in laga banan baxo 4.5,waxana ucadaynaya umada somaliyeed in Puntland aysan dhib ku hayn qabiil laakin ay udanaynayso Soomali-weyn iyo in talabo hormar ah horay loo qaado”.
Puntlandpost.com