Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Ex.Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo lagu soo dhaweeyay London

$
0
0

ash1London(pp) Siyaasi Xasan Abshir Faarax oo dhowaan xubin-nimadii Baarlamaanka Soomaaliya ku wareejiyay xilkiisa ayaa munaasibad lagu soo dhawaynayo waxaa loogu sameeyay magalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska.

Qaar ka mid ah Jaaliyadda Puntland ee London ayaa soo qaban qaabiyay munaasibadda soo dhawaynta Xasan Abshir Faarax oo dowladdii Cabdi Qaasim Salaad Xasan kasoo noqday Ra’iisul Wasaare.

Cabdi Salaad Cali oo ka mid ah Odayaasha Soomaaliyeed ee London ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshaha Xasan Abshir Faarax ee Ingiriiska ayna is xog waraysan doonaan.

Xildhibaankii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo khudbad kasoo jeediyay kulanka soo dhawaynta ah ayaa marka hore u mahad celiyay Jaaliyadda soo dhaweynta u samaysay waxa kale uu sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa London.

Faarax wuxuu ka waramay xaalada dalka gaar ahaan Muqdisho iyo qaraxiii haleelay hotelkii uu mudadda badan ka deganaa magalada Muqdisho kaasoo dad badan dilay.

Qaar ka mid ah dadkii xaflada ka qayb galay ayaa sheegay kulankan inuu sidoo kale yahay mid uu Xasan Abshir Faarax ku cadaynayo inuu isaga fariistay siyaasada Soomaaliya oo mudo dheer uu kasoo jiray.


Puntlandpost.com

Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>