Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22755

Camay oo dhagax dhigay wado laami ah

$
0
0

Garowe(PP):Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa maanta dhagax dhigay qaybtii labaad ama seedkii labaad ee wadadda 30ka,waxayan wadadaasi dherarkeedu leegyahay 2KM halka balaceedu leegyahay 6KM.

Sidoo kale dhagax dhiga waxaa joogay Duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir iyo shirkada dhisay Garoonka ee Ergal.

Duqa degmada Garowe Xasan Goodir ayaa sheegay in meesha ay marayso wadaddu guryihii ku yaalay aysan bur burin dowladdu oo iyagu ay gacantoodu ku bur buriyeen dadkii lahaa,kuwaas oo gartay muhiimada ay wadaddu leedahay.

Xasan Goodir ayaa tilmaamay in horay loo dhisi lahaa wadadda, balse ay hakisay isbadalkii ku dhacay maamulka degmada,waxaa uuna umahad celiyey shacabkii guryahooda bur buriyey iyo Shirkada dhisaysa.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullahi Camay oo dhagax dhigay wada ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta wado kale laga dhagax dhigo Garowe,isagoo tilmaamay inay tani tahay hormarka Garowe ay kusocoto.

Camay waxaa uu baaq udiray shacabka,masuuliyiinta dowladda iyo dowladda hoosaba in qayb weyn laga qaado dhamaystirka wadadaan,isagoo la dar daarmay shirkada dhisaysa wadadda.

Puntlandpost.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22755

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>