Garoowe: (pp)- Waftiga ayaa markii ay soo gaareen magaalada Garowe waxay kulan kula yeesheen xarunta Madaxtooyada Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Xubno ka tirsan golaha Xukuumada, iyagoo kulankooda ka dibna saxaafada uga warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Waxaana uu sheegey Madaxweyne Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed in ay uga mahad celinayaan socdaalka waftigu ku yimaadeen magaalada Garowe, isagoona sheegey in ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin arrimaha Somalia ,xiriirka DF iyo maamulada jira iyo kuwa dhalanaya ,amaanka guud ahaan iyo nidaamka xisbiyada badan ee Puntland u gudubtey.
Kormeerkii Goobaha Waxbarashada iyo soo dhaweyntii Iskuulada iyo Wasaarada.
Saraakiisha EU ee maanta soo gaarey magaalada Garowe ayaa kormeer ku tagey goobo ay ka mid yihiin dugsiga sarre ee Gambool, Dugsiga farsamada gacanta iyo Wasarada Waxbarashada, waxaana ay goobahaasi loogu sameeyey soo dhaweyn sarre oo ay kala kulmeen Wasaarada Waxbarashada , Maamulada Iskuulada ay booqdeen iyo Ardeyda dhigata.
Waftiga ayaa kormeerkoodii waxbarasho ee ugu horeeyey ka bilaabey Dugsiga sarre ee Gambool halkaasi oo ay warbixin kaga dhageysteen Maamulka Dugsigaasi oo uga mahad celiyey booqashada EU ku timid Gambool High School, uuna warbixin kooban ka siiyey marxalada iskuulku marayo iyo waxbarashadiisa.
Maamulka iskuulku waxa uu sheegey in iskuulka ay wax ka bartaan tiro dhan 1700 oo ardey oo %30 haween ay yihiin, ayna 35 macalin barayaal ka yihiin , isagoona dhanka kale ka codsadey saraakiisha EU oo kaalin ku leh horumarinta waxbarashada in ay ka taageeraan sidii xal looga gaari lahaa baahiyo ka jirra iskuulka.
Saraakiisha EU ayaa Intaas ka dib booqdey qeybo ka mid ah fasalada iskuulka ,gaar ahaan qeybo cusub oo dhawaan iskuulka lagu soo kordhiyey , kuwaas oo EU dhaqaalaha dhismahooda bixisey, sidoo kale fasaladaasi intii ay booqanayeen waxay warbixino kaga dhageysteen qaar ka mid ah ardeyda wax ku barata oo sheegey in ay ku faraxsan yihiin booqashada EU ku timid Iskuulka.
Ardeyda iyo Maamulka Iskuulka Gambool ayaa ugu danbeyntii waftiga ugu sameeyey soo dhaweyn goob ay ugu talo galeen , kuwaas oo ugu soo bandhigey riwaayado iyo hal ku dhigyo suugaaneed waxbarashada ka hadla , iyagoona bandhigooda u adeegsadey luuqadaha English iyo Somali.
intii uu socdey isla kormeerka goobaha waxbarasho ee Xubnaha EU ee Garowe yimid ayay sidoo kale booqasho indho indheyn ah ku tageen Dugsiga Farsamada gacanta , kuwaas oo mid mid u booqdey fasalada iskuulkaasi , sidoo kalena la kulmey Maamulka iskuulka iyo Ardeyda wax ka barata hadda, qoraal ay ugu talo galeen waftigana ay u marsiiyeen Masuuliyiinta wasaarada Waxbarashada Puntland.
Booqashadii Wasaarada Waxbarashada ee Waftiga Iyo Jarig ka jaristii Xafiiska Cusub.
Ugu danbeyntii kormeerkii waxbarashada ee EU ayaa kusoo idlaadey Xarunta Wasaarada Waxbarashada Garowe halkaasi oo ay xariga kaga jartey Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Midowga Yurub Ms Francesca Mosca Xafiiska laga maamulayo mashaariicda EU ugu talo gashey Puntland .
Waxayna warbixin ka dhageysteen xubnaha waftigu Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Cabdi Faarax Siciid oo u sharaxaad ka bixiyey wax-qabadkii wasaarada ee afartii sano ee lasoo dhaafey, sida loo wajahayo qorshaha sanadaha soo socda iyo mustaqbalka wasaaradiisu higsaneyso.
Wasiir Juxa oo warbixinta ka dib saxaafada la hadley ayaa u sheegey inay waftigan kasoo kicitimeen magaalada Muqdisho , sidoo kalena ay sii mari doonaan Baydhabo , balse ay ilaa caawa sii joogi doonaan Puntland, kuwas oo u kuurgalaya mashaariicda horumarineed ee Puntland ka socota , sidoo kalena casho sharaf la qaadan doona Ururada Bulshada.
Mudane Juxa waxa uu intaas ku darey inay Puntland iyo Midow Yurub u dhaxeyso wada shaqeyn joogto ah , kuwaas oo iska kaashada horumarinta adeegyada asaasigaa , islamarkana gacan taakuleyn ah ay kasoo gaarto had iyo goorba .
Midow-ga Yurub ayaa ku amaaney Puntland Waxbarashada waxayna ku tilmaameen marka laga hadlayo waxbarashada Somalia in Puntland tusaale loo soo qaato habka ay ula dirirtey jahliga , iyagoona tilmaamey in Puntland hormuud u tahay Waxbarashada Somalia , loona doortey meesha kaliya ee Somaliya tusaale lagaga dayan karro.
Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe Office