Garowe(pp)- Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland ayaa wali ku guddo jirta la xisaabtanka Ururada caalamiga ah ee ka hawlgala deegaanada Puntland, iyadoona ilaa iyo hadda wasaaradu shirar la yeelatey ilaa iyo shan hay,addadood .
Kulan maanta ka dhacay xarunta wasaarada ayaa waxaa soo xaadirey labado hay,addood oo kala ah DRC iyo NRC kuwaas oo kusoo gudbinayey Documenti-gooda ku saabsan mashaariicda sanadka ay doonayaan in ay fuliyaan, waxaana sidoo kale kulan goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamigaa Faarax Kulmiye Cilmi ayaa ka warbixiyey Ujeedada kulamada ay la leeyihiin Ururada caalamigaa ee Puntland ka shaqeeya, kuwaas oo uu sheegey agaasimuhu in ay ka doonayaan soo gudbinta documenti-gooda la xiriira qorshayaasha sanadka ay ku talo galeen Hay,addahaasi.
Sidoo kalena Agaasimaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Mudane Faarax Kulmiye waxa uu uga digey Hay,addaha inay fuliyaan hal mashruuc oo isku mid ah , midaas oo uu tilmaamey in uu noqonayo hadii hay,adduhu fuliyaan mashaariic isku mid ah jahwareer soo dhex galaya wax-qabadka la doonayo in ay ka sameeyaan wadanka.
Wasiiru Dowlaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Ahna sii hayaha Wasiirka wasaaradaasi Sayid Maxamed C/dulle Xasan ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan mashaariicdii ay fuliyeen sanadkii tagey sidoo kalena ay arkayaan mashaariicda hay,adda walba dooneyso in ay sanadka dalka ka fuliso.
Maalin walba waxaa wasaarada si toos ah uga socda la kulanka Hay,addaasi , kuwaas oo wasaaradu horey uga dalbatey in ay lasoo xaadiraan Ducomenti-yadooda si loo ogaado howlahooda, waxaana wasaaradu sheegtey kulamadan la xisaabtan in ay ku marti galiyeen ku dhawaad 50 hay,addood oo hadda shan ka mid ah isa soo hor fariisteen.
Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.