Muqdisho(PP):Waxaa galabta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Muqdisho Shirkii looga hadlayey doorashada Soomaaliya oo maalmahan ka socday Muqdisho.
Shirkii ayaa labo bari baaqday kadib markii laysku afgaran waayey qaabka loosoo xulayo Xildhibaanada Cusub ee 2016,waxaana socday kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.
Maanta ayey shir isugu yimaadeen madaxdu waxana la sheegay in ilaa maanta ay isku afgaran waayeen anjande cad iyagoo goobta shir yimi afartii barqo nimo.
Qodobada shirka galabta laga soo saaray waxaa kamid ah
In aqalka sare la dhiso kaas oo lagu soo xuley qaabka degmooyinka, halka aqalka hoose lagu soo xulayo nidaamka 4.5.
Kuma cada qodobada in doorashada lagu soo xulayo 4.5 iyo in lagu soo xulayo hab deegaan waxayna wararku sheegayaan in shirka kale la balamay.
War-murtiyeedka dib ayaan idin kala soo socon siin doona.
Puntlandpost.com.
Xasan Baashe.