Bosaso(pp) Madaxa duumada wasaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa fariin hambalyo ah u diray 42-ardey oo ka qalin jabiyay kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Bariga Africa xarunteeda magalada Bosaso, kuwaasoo ah dufcadii labaad.
Dr.Xasan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ardey intaasi leeg ay ka qalin jabisay Jaamacadda Bariga Africa qaybta caafimaadka ayna garab istaagayaan.
”Wasaradda Caafimaadka waxay diyaar u tahay in si joogta ah ula shaqayso ardayda caafimaadka,. sababtoo ah cida kaliya ee ka faa’iidaysanaysa waxqabadka ardayda waa wasaradda caafimaadka”.
Jaamacadda Bariga Africa ayaa ka mid ah Jaamacadaha dalka kuwa ugu wax soo saarka badan.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com