Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dad ugu dhitay cudurka duumada Xerada Dhadhaab

$
0
0

B5C8FDCC-0BFE-44A4-93E1-A89D6AEFC996_cx0_cy10_cw0_mw1024_s_n_r1Cudurka Daacuunka ayaa soo ritay 540 qof, islamarkaana toddoba qof ku dilay xerada qaooxtiga Dhadhaab ee Kenya toddobaadyadii tagay, sida ay sheegtay hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

MSF waxa ay ka digtay in xaaladda ay sii xumaan karto toddobaadyada soo socda, sababo la xiriira roobabka xooggan ee da’aya.

Charles Gaudry, oo ah madaxa hay’adda MSF ee Kenya ayaa sheegay in mar kasta oo roob xooggan uu da’o ay arkaan in cudurka uu dad badan soo ridanayo.

MSF ayaa iminka xarun lagula tacaalo cudurka ka sameysay xerada Dhadhaab oo hooy u ah qiyaastii 350,000 oo qaxooti badankood Soomaali iyo Koonfur Suudaanees ah.

Sida ay sheegeyso MSF, dadka qaxootiga ah ayaa waxaa ku adag inay nadaafadda ku dadaalaan, sababo la xiriira musqulaha oo ku yar iyo biyaha oo gaabis ah.

In ka badan 8,000 oo qof ayaa cudurka Daacuunka looga daweeyey dalka Kenya, tan iyo bishii December ee sanaddii 2014-kii.

VOA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>