Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka oo lagu soo dhaweeyay Amsterdam

$
0
0

Amsterdam(pp) Danjiraha dowladda Soomaaliya u qaabilsan wadanka Maraykanka Axmed Ciise Cawad iyo marwadiisa ayaa lagu soo dhaweeyay magalo madaxda wadanka Holand ee Amsterdam.

Xubo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee wadankaasi ayaa kulanka soo dhawaynta ah ka qayb galay kuwaasoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in Safiirka Soomaalida u qaabilsan Maraykanka kusoo dhaweeyaan wadanka Holand.

Casho ka dib Danjire Cawad ayaa khudbad dhinacyo badan ka hadlaysa kasoo jeediyay kulanka lagu soo dhawaynayay, wuxuna ku dheeraadey ahmiyadda ay lee dahay midnimada iyo horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Dib u hishiisiin waa shir hal mar dhacay, waxaase dalkeena u baahan yahay wax intaasi ka ballaaran, oo ah in dib loo soo celiyo kalsoonidii luntay. Maxaa yeelay waxaa qalad ka fahanay dhismaha dowladnimo, innaga oo ku dabaqnay kalsooni xumo ina heysata ayaa waxaan aaminay qofkii xil qabta inuu ina dhacayo ama annaga awood inoo adeegsan doono, taasi oo keentay in reerkasta isaga qof kasoo jeeda xilkaasi u raadiyo, haddii uu waayana uu kalsooni xumo ka qaado qofka kale ee xilkaasi qabtay ” ayuu yiri Danjire Ahmed Ciise Cawad.

Waxaase uu hadalkiisa kusoo xiray in dalka waxa ka jira aan dhib lagu kordhin ilee dhibka jira aad ka yareyso mooyee, isagoona arrintaasi ku sheegay mid muhiim u ah dadka raba inay ka hadlaan Soomaaliya ama jecel inay dalkii wax kasoo qabtaan.

“Wax u qabashadaada yeysan noqon mid wax qaribta. Hadalkaagana yuusan noqon mid dab ku sii shida dhibkii jiray, ee noqo mid dhibka yareeya ama haddii uusan yareyn karin isaga aamusa, maxaa yeelay sidaasi ayaa khayr ku jiraa”. ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Ahmed Ciise Cawad.

Kulankan oo uu hadalka u qeybinayey kasoo qeybalayaasha Abdiweli Ibrahim Garyare, ayaa ugu danbeyntii waxaa uu kusoo dhamaaday si ay ka muuqato in xog badan la kala qaatay iyo isku dhiirigelinta wax u qabashada dalka Soomaaliya.
MG_0022

MG_0081

MG_0088

MG_0091

MG_0137

MG_0201

MG_0204

MG_0212

MG_0248
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>