Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Abaalmarinta Rajo oo  la Guddoonsiiyay Horseedayaasha Bulshadda Soomaaliyeed.

$
0
0

Boosaaso(pp)Abaalmarin caalami ah oo loogu magacdaray RAJO  ayaa Munaasabad  ka dhacday Magaaladda Bosaso waxaa lagu lagu Guddoonsiiyay Todobo Qof oo isugu jira Rag iyo Dumar kuwasoo Door wayn ka qaatay Hormarka iyo Ganacsiga Soomaliyeed  25 sanno ee u dambeeyay.

Abaalmarinta oo ahayd midii u horraysay ee nooceeda ah oo lagu abaalmariyo horseedayaasha Bulshadda, kuwasoo dalka ku sugnaa mudadii burburka, waxaa soo qabanqaabiyay Gole ay ku Midoobeen Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay hormarinta dalka iyo dad Soomaaliyeed.

Horseedayaasha Bulshadda ee la guddoonsiiyay  Abaalarinta Rajo waxay ka kooban yahay aqoonyahano  ka soo shaqeeyay horumarinta waxbarshadda, islamarkaana Asaasay Jaaamacadda iyo Machadyada wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii somaliya, Waxaa ku jira Ganacsato, Saxafiyiin iyo Dumar muddo 20 sanno ka shaqaynayay horumarinta haweenka soomaaliyeed, waxayna kala yihiin todobaad qof;-

1-Janaaral Cali Ismaaciil oo ah Guddoomiyihii Guddiga hormarinta Boosaaso.

2-Xaawo Cali Jaamac Guddoomiyaha Dalada Haweenka ee WAWA.

3-Prof. Khaliif Maxamed Bare Tifaftiraha Wargeyska Kaaha Bari.

4-Guddoomiyaha Jaamacadda PIADAM Maxamed Muumin Yuusuf.

5-Guddoomiyaha Jaamacadda Culuumka Caafimaadka Cabdirisaaq Xusseen Xassan.

6-Cabdullaahi Sheekh Milkiilada Xalwo Kismaayo Group.

7-Aamiin Cabdullaahi Axmed oo ah Farshaxamiiste muddo badan ka hawlgalayay Boosaaso,

Dr Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo ka mid ahaa Aqoonyahankii Aasaasay Abaalmarinta Rajo,ayaa sheegay in ujeedooyinka ay ka lahaayen Barnaamijka ay qayb ka ahayd in bulshadu ay ku tartamaan Wannaaga iyo hormarka Dalka.

‘’Annaga ujeedada aan Barnaamijkan ka lahayn wuxuu ahaa;- kow in dadka wax qabtay lagu Abaalmariyo,hadafka labaad wuxuu ahaa in arrintan ay tusaale u noqoto dad kale sanadaha soo socda ka qayb galaan Abaalmarinta,hadafka saddexaad wuxuu ahaa inay abuurmaan jawi dadku ay ku tartamaan wannaaga’’Ayuu yiri Cabdicasiis Maxamuud Maxamed.

Dr Cabdicasiis Wuxuu uu mahadnaqay dhammaan dadkii ka qaybqaatay hirgalinta iyo soo abaabulinta abaalmarinta Rajo, waxaana uu  sheegay  in Abaalmarinta ay u furantahay dhammaan aqoonyahanadda iyo hal-doorka soomaaliyeed inay ka qaybqaateen

Duqa degmada Boosaaso Injineer Yaasiin Mire Maxamuud oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada,ayaa sheegay in Barnaamijka rajo uu bulshada ka mudan yahay dhiirigalin.

‘’Waa Munaasabad qiima badan oo mudan in la dhiiri galiyo,waxaan ka qayb galka Barnaamijkan aan hakad u galiyay shaqooyin kale’’Ayuu yiri duqa degmada oo hadalkiisa sii wata.

Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ka hadlay Munaasabada ayaa yiri’’…‘’Waa wax taariikhda galaya waa hal-abuur cusub oo u baahan in lagu daydo,waa in lagu daydo nimanka fikradan keenay waxaa kale oo la rabaa in lagu daydo dadka la siiyay Abaalmarinta’’

Janaaral Cali Ismaaciil oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga hormarinta Boosaaso,kana mid ahaa xubnihii Abaalmarinta la Guddoonsiiyay,ayaa sheegay in abaalmarinta uu u guddoomay dhamaan dadkii kala qayb qaatay shaqadii ay ku bilaabeen dhismayaasha Waddooyinka Laamiga ah ee Boosaaso.

‘’Hadiyada maanta anniga la ii dhiibay Macalimiinta,Ardayda iyo reer PIDAM oo dhan ayaa ku qaaday,hawshan rag baa hormuud ka ahaa waxaan xusayaa Marxuum Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil EEBE ha u naxariistee’’Sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Jaamacadda PIADAM Maxamed Muumin Yuusuf oo ka ka mid ahaa Haldoorka abaalmarinta guddoomay.

Prof Khaliif Maxamed Bare oo ah suxufi rugcadaa ah,oo muddo 50 sanno ka soo shaqaynayay warbaahinta, oo ka mid ahaa dadkii la guddoonsiiyay abaalmarinta ayaa  u mahadceliyay gollaha Aqoonyahanadda ee bixiyay abaalmarinta.

“Rajo waa abaalmarin ay Somaliyi bixinayso, somalina la siinayo, waa arrin ugub ah oo dalka ku cusub, horsed ayay u noqonaysaa in abaalmarino noocan oo kale ah la siiyo haldoorka Soomaaliyeed” ayuu yiri

Saynab Xaaji Ayaan oo ku hadlay magaca Guddoomiyaha Dalada Haweenka ee WAWA Xaawo Cali Jaamac oo ahayd haweenayda kaliya ee ku jirtay horseedayaasha Abaalmarinta la siiyay,ayaa sheegtay in Gollaha Aqoonyahanada ee Abuuray Abaalmarintao ay bulshada ku abuureen rajo,isla markaana uu Barnaamijkan uu yahay dhiirigalin.

Abaalmarintii ugu horaysay ee nooceeda ah oo ka dhacda Soomaaliya,waxaana gabagabda Munaasabada oo si weyn ay uga qaybqaqateen bulshadda Soomaaliyeed ku nool magaaladda Bosaso ayaa  mahadcelin balaaran loo jeediyay Aqooyahanadii  soo qabanqaabiyay oo uu hormuud u ahaa Cabdicasiis Maxamuud Maxamed.

IMG_0695 IMG_0698 IMG_0699 IMG_0700 IMG_0704 IMG_0705 IMG_0706 IMG_0709 (1) IMG_0712 IMG_0714 IMG_0715 IMG_0718 IMG_0721 IMG_0722 IMG_0725 IMG_0728 IMG_0732 IMG_0737 IMG_0738 IMG_0741 IMG_0742 IMG_7702 IMG_7704 IMG_7705 IMG_7710 IMG_7713 IMG_7717 IMG_7721 IMG_7725 IMG_7743 IMG_7747 IMG_7750 IMG_7751 IMG_7752 IMG_7757 IMG_7760 IMG_7761 IMG_7762 IMG_7788 IMG_7790 IMG_7791 IMG_7795 IMG_7798 IMG_7806 IMG_7815 m

 

Puntlandpost.com

Xafiiska Boosaaaso

The post Abaalmarinta Rajo oo  la Guddoonsiiyay Horseedayaasha Bulshadda Soomaaliyeed. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>