Gaalkacyo (PP):Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta galinkii dambe dib ugu soo laabtay Gaalkacyo, kadib markuu ka qayb galay shirkii looga hadlayey doorashada 2016.
Cabdiwali Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu Muqdisho kaga qayb galay labo shir oo kala ahaa Hiigasiga cusub iyo doorashada 2016.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in shirka Hiigsiga looga hadlayey waxyaabihii ka qabsoomay mudadii labada sano ahayd ee uu shaqaynayey iyo khibradihii laga dhaxlay, waxaa uuna tilmaamay in shirkaasi uu guul kusoo dhamaaday.
Dr Gaas ayaa dhanka kale sheegay in Muqdisho uu kaga qayb galay shirkii looga hadlayey doorashada Soomaaliya sanadka soo socda iyo qaabkay udhacayso.
Madaxweynaha ayaa xusay in shirkaas inta uusan furmin aragti laga uruuriyey dadka shacabka ah,isagoo sheegay in lix magaalo oo ka tirsan Puntland aragtidooda ay ka hadleen dadka ku nool kuwaas oo doortay hab deegaan.
Prof Cabdiwali Cali Gaas ayaa waxaa uu tilmaamay in xiligaan la joo xiligii laga gudbi lahaa qabiilka wuxuuna carabaabay in shacabka Soomaaliyeed doonayaan doorasho xor ah.
Gaas ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudo kuso shaqaynaysay qabali,islamarkaana la joogo xiligii loogud bilahaa dowladnimo taama.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qolo walba loo tixgaliyo rabitaankeeda,islamarkaana Xildhibaanku uu haysto matalaad dhab ah oo ka fakari karo meeshu matalayo.
Gaas ayaa sheegay in dib loo matalay shir kale oo bisha soo socda tobankeeda ka furmi doona Kismaayo
Halkan ka Dhagayso Codka.
The post Madaxweyne Gaas oo yimi Gaalkacyo lana hadlay warbaahinta appeared first on Puntland Post.