Boosaaso(pp)Tartankan oradka ah oo ay soo qaban qaabisaya Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ee Gobalka Bari ayna maalgalisay Shirkada wadaniga ah ee Ilo- Tango , u jeedkiiisuna ahaa mid dhalinyarada looga waciyigalinaayay tahriibta ayaa maanta lagu qabatay magaalda Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari
Gudoomiyaha Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Gobalka Bari Abshir Cali Yuusuf oo lahadlay warbaahinta tartanka kadib ayaa sheegay in ay uga gon lahayeen tartankaan in uga wacigaliyaan dhalinyarada dhibaatada tahriibta , waxaana uu sidoo kale u mahadceliyay Shirkada Maalgalisay ee Ilo taanga
Maamulaha Shirkada Ilo Taango Khaalid Xasan Cali oo fududaysay qabsoomida Tartanka ayaa sheegay ka shirkad ahaan ay ka go’antahay ka qaybqaadashada arimaha bulshada sigaar ah Ciyaaraha
” anagu ka Ilo Taango ahaan waxaa naga go’an in aanu dhiiri galino dhalinyarada,in aanu dhiiri galino shaqada bulshada loo hayo,in aanu dhiiri galino Ciyaaraha gaar ahaan Oradka ”
Khaalid Xasan Cali Maamulha Shirkada Shirkada Ilo Taango ayaa sidoo kale sheegay in aysan noqondoonin markii ugu danbeysay ay ka qabqaataan barnaamij noocani ,waxxana uu xusay in shirkada ay markasto u taagan yihiin ka qaybqaadashada arimaha bulshada
Umul Khayr Maxmed Cali oo kamid Xubnaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Gobalka Bari ayaa ugu baaqday shirkadaha ganacsiga ee ku yaalka Gobalka Bari in ay ka qayay qaataan hormarinta ciyaaraha Gobalka ,ayana ku daydaan shirkada Ilo Tango oo mar kasto ka qayb qaadato hormarinta bulshada
Gaba gabadii Shariif Cali Gureeyay , Faarax Maxmed Faarax iyo Axmed Maxmed oo kaalimaha ugu horeeya ka galay tartanka ayaa dhankooda sheegay in ay aad ugu farasan yihiin ka qayb galka tartan noocaan ah , waxaana ay u mahadceliyeen Shirkada Ilo Tango oo fududdaysay qabsoomida tartankan
Puntlandpost.com
Xafiiska Boosaaso
The post Wasaradda dhalinyarada Puntland Iyo Shirkada Ilo Taango oo Boosaaso Tartan Orad ah ku qabtay appeared first on Puntland Post.