Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wafti ballaaran oo Gaalkacyo lagu soo dhoweeyey

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii ballaadhnaa ee magaalada Muqdisho ugu maqnaa kaqayb galka shirarkii looga hadlayey aayaha soomaaliya  ayaa maanta 18-Dec-15 siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga oo ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano, iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa magaalada muqdisho ku maqnaa in kabadan 10-cisho halkaas oo ay u joogeen shirarkii looga hadlayey Hal-beegga Mustaqbalka Soomaaliya iyo Mashada wadatashiga Qaran  ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka la filayo inay dalka  kaqabsoomaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf  kusoo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, saraakiil ciidan, fannaaniin iyo dadweyne kale oo aad u tira badan oo dhammaantood ku dhawaaqayey hal-kudhigyo ay kusoo dhoweynayeen wafdiga oo ay  kamid ahaayeen “4.5 dooni mayno” maadaama uu madaxweyne Gaas hore u diidey in dalka lagu sooceliyo hal-beeggii waxqaybsi ee waqtigiisu dhammaaday ee 4.5 .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib waxaa loo sii gelbiyey Qasriga uu ka deggan yahay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug halkaas oo uu madaxweynuhu warfidiyeenada kula hadlay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka-warbixiyey shirarkii ay u tageen magaalada Muqdisho isagoona ku tilmaamay inay ahaayeen shirar  muhim ah maadaama looga hadlayey masiirka dalka soomaaliya waxaana uu tibaaxay inay shirarkaasi guulo wax ku ool ahi ay uga soo hoydeen ummadda soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar uu ka hadlayey shirkii looga hadlayey geeddi-socodka doorashooyinka ayuu ku tilmaamay in shirkaasi laysu dhaafsaday aragtiyo badan oo laga soo ururiyey dadka soomaaliyeed ee ku kala dhaqan gobollada kala duwan ee dalka isla markaasina ay aragtiyahaasi isugu soo biya shubanayeen in ummadda soomaaliyeed ay u baahan yihiin caddaalad iyo in helaan  metelaad dhab  ah oo iyaga ka timaada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in 16-sanno qabiil wax lagu soo dooranayey maantana la joogo xilligii laga gudbi lahaa xayndaabka 4.5 loogana sii tallaabi lahaa dimuqraadiyad, horumar iyo caddaalad, welibana Dawladda Puntland ay tahay cidda ugu horaysa ee diyaarka u ah soona dhoweynaysa tallaabo kasta oo dhanka dimuqraadiyadda loo qaadayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gunaanadkii hadalkiisa  baaq udiray dadka walaalaha ah ee wada deggan magaalada Gaalkacyo inay xejistaan nabaddooda ayna ilaaliyaan derisnimada, walaalnimada iyo ehelnimad isla mar haantaana ay  meel ugasoo wada jeestaan cid kasta oo khal-khal gelinaysa nabadda Gaalkacyo.

 

—DHAMMAAD—

 Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.


IMG_8110IMG_8131IMG_8139IMG_8142IMG_8146IMG_8158IMG_8252IMG_8276IMG_8281IMG_8283IMG_8284IMG_8290IMG_8293IMG_8313IMG_8317IMG_8319IMG_8321IMG_8336IMG_8344IMG_8348IMG_8363IMG_8377IMG_8378IMG_8382IMG_8394IMG_8399IMG_8400IMG_8407IMG_8409IMG_8416IMG_8418IMG_8420IMG_8424IMG_8430IMG_8432IMG_8436IMG_8476IMG_8502IMG_8510IMG_8524IMG_8557IMG_8571IMG_8586IMG_8587IMG_8591IMG_8604IMG_8621IMG_8628IMG_8630IMG_8632IMG_8634IMG_8644IMG_8647IMG_8649IMG_8653IMG_8664

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wafti ballaaran oo Gaalkacyo lagu soo dhoweeyey appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>