Muqdisho(PP):Wafti ka socda dowaldda Puntland ayaa ka qayb galay Shirka dhalinyarada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay,waxaa waftigaas hogaaminayey agaasimaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Axmed Cabadala Tigaana.
Tigaana ayaa sheegay inta uusan shirku furmin in looga yeeray shir lagu qabanayey xarunta UNka ee Muqdisho oo lag hadlayey Daah furka baaqii Xamaan ee dhalinyarada Nabada iyo Amaanka Soomaaliya.
Shirkan ayaa wajigiisi kowaad ka dhacay Kuwait,wajigisii labaad ayaana lagu qabtay Muqdisho,Tigaana ayaa xusay subixi shirku qabsoomi lahaa,habeenkeedii lasoo sheegay inay kasoo qayb galaan shirka.
Agaasimaha ayaa intaa ku daray inaysan horay shirka ula socon, subixiin ogaadeen in Puntland laga caasumay dad gaaraya 17 Qof, islamarkaana loo sheegay inay baaqdeeen.
Waxaa uu carabaabay digaana inay Unka waydiiyeen ciday umareen caasumadaa xubanahaas,Axmed Cabdala ayaa hadal kiisa sii raacshay in Unku u sheegay in caasumada ay lahayeen labo urur oo mid kamid ah lagu magacaabo Maan.
Tigaaana ayaa sheegay in dadka ugu badan ee la caasumay ahaayeen koonfurta,islamarkaana dad aan waxba kala socon gobolada Puntland la caasumay.
Isagoo ku tilmaamay Barnaamijkaasi mid aan loo dhamayn oo dhalinyarada Puntland aan talo laga siin,Waxaa uu Tigaana xusay in Unka ay u sheegeen in Barnaamijkaas aysan qayb ka ahayn Puntland.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Puntlandpost.com.
The post Puntland oo laga musuq maasuqay shir lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.