Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Karaash iyo Qarjab oo ku soo laabtay Garowe

$
0
0

Garowe(PP):Waxaa Maanta oo Sabti ah Garowe dib ugu soo laabtay wasiiradda Amniga iyo Arimaha gudaha Puntland, kadib safaro ay ugu kala maqnaayeen Marayakanka iyo Kenya.

Labada wasiir ayaa diyaarad kasoo wada raacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana maanta lagu soo dhaweeyey Garoonka Magaalada Garowe.

Wasiiradda ayaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay waxayna ka warbixiyeen safaradii ay ku tageen dalalka Maraykanka iyo Nairobi.

Axmed Karaasha Wasiirka Arimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in mudo bil bar ku dhow uu ku maqnaa dalalka ingiriiska iyo Maraykanka gobolo kamid ah, wuxuuna tilmaamay inuu la kulmo jaaliyadaha Puntland iyo Jubbaland, isagoo kala hadlay sidii dalka ay umaalgashan lahaayeen.

Karaasha ayaa tilmaamay in dadkaas uu kala soo balamay inay dalka yimaadaan oo dhul laga siiyo si ay u maal gashadaan.

Wuxu kaloo sheegay inuu lakulmay Sargaalka ugu sareeyo Ciidanka Booliiska ee gobolka Bostan ee dalka Maraykan, islamarkaana ay kawada hadleen sidii Booliiska Boston uu tababar iyo wada shaqayn ula yeelan lahaa Kan Puntland,isagoo intaa raacshay inu balan qaad kawado.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa isna sheegay inuu Nairobi utagay shir kusaabsan Amaanka uuna kusoo dhamaaday guul.

Qarjab ayaa wasiirka arimaha gudaha uga mahadceliyey Safarka dheer iyo arimaha uu meeluhu tagay dadka kala hadlay oo ay ugu weynayd la kulanka Sarkaal ugu sareeyo Booliiska gobolka Boston ee Maraykanka.

Halkan ka Dhagayso Codka.

Puntlandpost.com.

The post Karaash iyo Qarjab oo ku soo laabtay Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>