Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Buug ka hadlaaya Taariikhda dalka Soomaaliya oo lagu soobandhigay Boosaaso

$
0
0

Boosaaso(pp)Munaasabad  lagu soo bandhigayey buuggan ka hadlaaya taariikhda dalka Soomaaliya, kuna qoran  luqadda Carabiga oo lagu qabtay  hotel Jubba ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka degmada, aqoonyahano, ganacsato, dhalinyaro, haween, culimo’udiin, siyaasiyiin,nabadoono, madax ka socotay jaamacadaha magaalada iyo marti sharaf kale.

IMG_0695

Buugan ayaa waxaa qoray qoraa dhalinyaro ah oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Ismaaciil Waaberi ,kuna dhashay dhashay magaalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari Sanadkii  1997-dii, waxa uuna ku bar-baaray isla magaalada Bosaso.

Qoraaga waxa uu wax ka bartay dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Bosaso, waxa uuna sidoo kale heystaa shahaada Diploma ah oo luqadda Carabiga, taasi oo uu ka heystu machadka lagu magacaabo Shaariqah ee wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Gudoomiyaha ku xigeenka jaamacadda Bariga Afrika Maxamad Maxamuud Ciise oo ugu horeen ka hadlaya xaflada  ayaa  sheekeeyey muhiimadda u leeyahay buuggan,Waxa uu ugu baaqay shacabka reer Puntland iyo ka soo qeyb galayaashii xafladda in ay qaataan ama iibsadaan buugga si ay uga faa’ideystaan .

IMG_0800-740x493

Duqa degmada Bosaso Eng. Yaasiin Mire Dacar oo kamid ahaa masuuliyiintii dowlada ee kaqaybgashay munaasabad ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu buug soo saaray wiil dhalinyaro ah uu arko, kaasi oo ku nool magaalada Bsoso ,isla markaana dhawaan filayaan in dhalinta kale ay ku daydaan qoraa Cabdiraxmaan

IMG_0799-740x493

Qoraa Cabdiraxmaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in sababta uu u qoray buugga ay tahay sidii loo soo celin lahaa tayada dadka iyo dalka.

…Kadib markii aan booqday goob lagu soo bandhigayey buugag ay ku qoran yihiin taariikhada qaar ka mid ah wadamada ayaa waxaa goobtaasi ka waayey buug ku qoran taariikhda dalkayga, taasi waa sababata ugu dhalisay in aan qoro buug ka sheekeenaya taariikda dalka Soomaaliya, kaasi oo lagu qoray luqadda carabiga ah ayuu hadalkiisa ku daray qoraaga.

Si kastaba ha ahaatee Cabdiraxmaan ayaa noqonaya shaqsigii labaad oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya oo isagoo da’ yar qora bug

 

IMG_0778-740x493 IMG_0777-740x493 IMG_0775-740x493 IMG_0774-740x493 IMG_0774-740x493 (1) IMG_0772-740x493 IMG_0771-740x493 IMG_0770-740x493 IMG_0768-740x493 IMG_0767-740x493 IMG_0764-740x493 IMG_0762-740x493 IMG_0761-740x493 IMG_0760-740x493 IMG_0759-740x493 IMG_0758-740x493 IMG_0756-740x493 IMG_0755-740x493 IMG_0753-740x493 IMG_0752-740x493 IMG_0750-740x493 IMG_0749-740x493 IMG_0748-740x493 IMG_0746-740x493 IMG_0745-740x493 IMG_0695

IMG_0780-740x493 IMG_0781-740x493 IMG_0785-740x493 IMG_0787-740x493 IMG_0788-740x493 IMG_0791-740x493 IMG_0793-740x493 IMG_0795-740x493 IMG_0798-740x493 IMG_0799-740x493 IMG_0800-740x493 IMG_0801-740x493 IMG_0802-740x493

Puntlandpost.com

Xafiiska Booosaaso

 

The post Buug ka hadlaaya Taariikhda dalka Soomaaliya oo lagu soobandhigay Boosaaso appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>