Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo iscasilay

$
0
0

Garowe(PP):Gudoomiyaha ruga Ganacsiga iyo warshadahaPuntland Cabdiraxaman Jaamac Warsame ayaa Maanta shaaciyey inuu xilkaas iska casilay,isagoo is casilaadiisa ku sababeeyay arimo ugaara.

Waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan in mudadii uu kasoo shaqaynayey Xafiiska Rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland uu wakhti wanaagsan la qaaday Ganacsatada iyo bulshada kale ee Puntland.

Shacabka Puntland ayuu ku amaanay inay yihiin dad ay ka go’an tahay Midnimada Soomaaliya,islamarkaana  ku tilmaamay wadaniyiin jecel hormarka, isagoo intaa raacshay in ku dhiiranaanta ganacsiga ay qayb weyn ka qaateen shacabku.

Gudoomiyaha ruga Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo xilka loo doortay dhamaadkii sanadkii 2014 ayaan faah faahin sababta keentay inuu xilka baneeyo, waxaana si rasmi loo ogayn waxa keenay is casilaadiisa,balse warar hoose ayaa sheegaya in maalmahan uu muran ka dhex jiray gudoomiyaha iyo xubno ka tirsan ururka’islamarkaana isku fahmi waayey qaabka loo wadayo shaqada.

Puntlandtoday.com.

The post Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo iscasilay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles