Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe oo laga xusay asaaska Booliiska Soomaaliya

$
0
0

Garowe(PP): Magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland waxaa maanta laga xusay Asaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo la asaasay maanta oo kale.

Munaasabad lagu xusayey oo lagu qabtay xarunta Ha’yadda Cilmi baarista Puntland u qaabilsan ee PDRC waxaaa ka qayb galay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland,Wasiiradda Amniga ,Maaliyadda Duulista Hawada iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.

Intay munaasabadu socotay waxaa laga hadlay Taariikhada Booliiska Soomaaliyeed iyo marxaladuhuu soo maray, waxayna masuuliyiintu sheegeen Asaaska dowladdnimo inay qayb ka yihiin Booliisku.

Taliyaha Booliiska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud oo ka hadlay marxaladuhu soo maaray Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay 1960 qaban qaabadii xoriyada in Ciidanka Booliiska laga wareejiyey Saraakiil loona wareejiyey Asaaskii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed,waxaa uun tilmaamay Taliyuhu in Booliisku uu yahay Hooyadii Ciidanka Soomaaliyeed.

Afgaduud ayaa sheegay in 1962 Booliiska lagu soo wareejiyey Ciidankii ilaalinta Canshuuraha, isagoo carabaabay inay u dhamaystirmeen Qaab dhismeedkiisa uu hada u dhisan yahay,1964 ayuu xusay in Ciidanku uu bilaabay inuu Radio Muqdisho kasii daayaan Barnaamij la oran jiray Towfiiq oo looga hadli jiray Arimaha Nabadgalyada iyo Cabashada dadweynaha.

Booliiska ayaa sido kale soo saari jiray Warqays la oran jiray Kaaseed oo bile ahaa, islamarkaana looga hadli jiray Dhacdooyinka Muhiimka ah,1965 waxaa la dhisay xarunta taliska guud ee Booliiska Muqdisho oo ilaa hada ah Taliska Booliiska Soomaaliyeed,1968 waxaa la dhisay isbitaalka Booliiska ee Madiina.

1969 waxaa uu sheegay Taliyuhu in markii dowladdii Kacaan ay xukunka dalka la wareegtay la kordhiyey Tiradii iyo tayadii ciidanka Booliiska, waxana la sameeyey xarumo lagu tababaro Ciidanka,1972 waxaa Ciidanka Booliiksa lagu soo wareejiyey Ciidankii la oran jiray Ilaalo, kuwaas oo la shaqayn jiray Degmooyinka iyo gobolada.

Sanadku markuu 1991 markii ay bur burtay dowladdi dhexe waxaa iyaguna bur buray Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Afgaduud ayaase sheegay inaysan ka qayb qaadan dagaaladii Sokeeye.

Ciidanka Booliiska Puntland ayuu iyagana ka hadlay Tariikhda ay soo mareen, isagoo sheegay in la asaasay Sanadku markuu ahaa 22 bishii labaad 1999,Ciidan gaaraya 500 oo Askari ayaan lagu asaasay oo laga kala keenay gobolada Puntland,kuwaas oo tababar ku qaatay xerada 54aad ee Garowe.

Sanad guuradan ayaa ah tii 72 ee ciidan Booliiska Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 20 Decembar 1943 ayaana la asaasay, meelo kale oo kamid ah dalka ayaa sidaan oo kale looga xusay maalinta Booliiska Sooaamliyeed.

Halkan Ka Dhagayso Codka.

Puntlandpost.com.

The post Garowe oo laga xusay asaaska Booliiska Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>