Garowe(PP): Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta ka qayb galay xuska maalinta asaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo lagu qabtay munaasabad lagu xusayey PDRC Garowe, ayaa farriin u diray Booliiska Puntland.
Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in hadda deegaanada Puntland ay ku soo laabatay baabuurta la ka dhaco, Ciidankuna aysan waxka qaban, isagoo tilmaamay in wasaaradda Amniga iyo Booliiska lagu eedaynayo arintaas.
Qarjab ayaa carabaabay inaan loo dul qaadan karin Gaari uu dhacay wiil yar oo jiriya oo reer hebala siduu sheegay, Islamarkaana Odayaal loo maro sidii gaariga lagu heli lahaa, taasina ay tahay wax aan loo dul qaadan karin.
Waxaa uu sheegay hadii Saldhigu uu ku filaan waayo Gaariga la dhacay inuu la soo socod siiyo qaybta uu ka tirsan yahay waxaa uuna hadalkiisa sii raacshay hadii saldhigu wax ka qaban waayo inu isna lasoo socod siiyo Taliska Booliiska iyo Wasaaradda Amniga.
Qarjab ayaa sheegay in arintaas oo kale hadii wax laga qaban waayo ay tahay wax aan la eegan karin, wuxuuna tilmaamay in Puntland 17 sano ay jirtay arimahaana ay yihiin wax aan ka gadmayn.
Wasiirka ayaa xusay Qofkii, Saldhigii ama qaybtii Masuuliyadiisa qaadan waayo inay kuraasta banaynayaan,isagoo intaa ku daray in qofkii shaqadiisa ka soo baxa abaal mari lasiin doono,Taliyaha booliiska ayuu u sheegay hadii Shaqadooda qabsan waayaan in toodana la daba joogo,Qarjab ayaa intaa ku daray in qofkasta shaqadiisa qabsado.
Cabdi Xisri ayaa maruu ka hadlayey Howlgalada Ciidamadu sameeyaan waxaa uu sheegay markii Askarigii howlgalka loo diro uuna fuliyo uu sheegayo Askarigii xigay isagoo oranaya Reer hebel weeye.
Waxaa uu si adag u sheegay in Askarigii falkaas oo kale ku kaca oo Maxkamadaha iyo Odayaasha ku oranaya reer Hebel baa wax dilay Xiligaan laga bilaabo inuu xabsi galaya.
Qarjab ayaa sheegay in Askarigii wax dila dowladdu masuul ka tahay, isagoo fariin u diray Baarlammaanka iyo Ha’yadda ah sharciga.
Halkan ka Dhagayso codka.
Puntlandpost.com.
The post Wasiirka Amniga Puntland oo farriin u diray Booliiska appeared first on Puntland Post.