Muqdisho(PP):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayo 72 guuradii ka oo wareegtay Aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka socota magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka.
Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka, booliska iyo hay’adda Nabad sugidda, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ururrada Haweenka Qaranka iyo kan gobolka Banaadir iyo fanaaniinta kooxda Heegan.
Ciidanka booliska ayaa fagaaraha dugsiga sare ee tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, ku soo bandhigay gaaddo ka cayaar aad u qurux badan, taasi ay la dhaceen intiii ka qeyb gashay xafladda, waxaana intaas ka dib loo gudbay hoolka ay fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka booliska dhankooda ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidanka.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Aadan Axmed oo munaasabadda ka hadlay ayaa ciidanka booliska meel kasta oo ay joogaan u diray hambalyo ku aadan xuska maalinta ciidanka booliska, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.
Taliyaha hay’adda Nabadsugidda Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay in ciidanka booliska ay kaalin weyn ku lee yihiin xaqiijinta amniga dalka, isagoo hambalyo u diray ciidanka booliska.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ciidanka booliska ay yihiin hooyada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa hoosta ka xariiqday in ciidanka booliska ay horumar la taaban karo ku talaabsadeen.
Taliyaha Ciidanka booliska Soomaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xusay in ciidanka booliska ay ku guuleysteen fulinta mashaariic kala duwan oo qeyb ka ah dhiso dalkaaga.
Wasiir ku-xigeenka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa sheegay in ciidanka booliska ay door muuqdo ku leeyihiin xaqiijinta amniga dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray xafladda lagu xusayo 72 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa hambalyo u diray ciidanka booliska meel kasta oo ay joogaan, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in ciidanka boolisku ay soo kabanayaan, isla markaana loo baahan yahay in lala shaqeeyo si ay u gutaan waajibaadka loo idmaday.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in askariga booliska looga baahan yahay in uu barto qorista iyo akhrinta farta Soomaaliga, si loo tayeeyo aqoonta ciidamada booliska
Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay jawi wanaagsan.
Puntlandpost.com.
The post Xasan Shiikh: Askarigu waa inuu bartaa Qorista iyo Akhinta Afka Soomaaliga appeared first on Puntland Post.