Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAALKACAYO: Duqa Magaalada Gaalkacayo oo ka hadlay Afduubyo ka dhacay Magaalada Gaalkacayo(Dhagayso)

$
0
0

Gaalkacayo: (pp)- Duqa Magaalada Gaalkacayo Axmed Cali Salaad ayaa ka hadlay dad reer Puntland oo mudo dheer afduub loogu haysto Koonfurta Magaalada Gaalkacayo iyo nin Shalay laga afduubtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo, Axmed Cali Salaad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ay Xaalado noocaan ah ka bilowdaan Gobalka Mudug gaar’ahaan Magaalada Gaalkacayo wuxuuna sheegay inaysan undulqaadan doonin in afduub loo haysto dad aan waxba galabsan.

Dhegeyso: Codka Axmed Cali Salaad 

Axmed Cali Salaad, Duqa Gaalkacayo.

Axmed Cali Salaad, Duqa Gaalkacayo.

Duqa ayaa Maamulka Galmudug iyo Odayaasha Koonfurta Gaalkacayo ugu baaqay inay wax ka qabtaan dadka sida sharci darada ah loogu haysto dhankooda mudada dheer iyo isku dayga joogtada ee dadka lagu afduubanaayo oo uu sheegay shalay oo ugu dambaysay in dad lagu afduubtay Magaalada Gaalkacayo hase ahaate markii dambe la sii daayey markii ay noqon waayeen qabiilkii ay u socdeen wuxuna wax aan loo dulqaadan karin ku tilmaamay inay falal noocan ah ka dhacaan Magaalada Gaalkacayo.

Dhanka kale waxa uu sheegay inay daba geli doonaan soona celin doonaan nin shalay laga afduubtay Magaalada Gaalkacayo gaar’ahaan dhanka Puntland, waxa uu sheegay inay Ciidamada amaanku daba jiraan Dadkii ninkaas afduubtay ayna uga daba tegi doonaan meel kasta oo ay la aadaan.

Wuxuu Odayaasha labada dhinac ka codsaday inay wax ka qabtaan arimaha nocan ah oo dhalin karo xaalado khatara oo ka bilowda Gobalka Mudug, waxa uu Maamulka Koonfurta Magaalada ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad galyada Magaalada Maadama uu amaanku dan u yahay labad dhinacba.

Sadex Muwaadin oo u dhashay Puntland ayaa mudo dheer afduub loogu haystaa Koonfurta Magaalada Gaalkacayo, waxaana ragan loo haystaa nin ku xukuman dil toogasho ah oo laga soo qabtay Magaalada Gaalkacayo isagoo la sheegay inuu ku hawlanaa Falal Argagixisanimo.

puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>