Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

14-jir Soomaali ah oo doortay mustaqbalka inuu noqdo wasiir amni

$
0
0
Wariye Cali Ducale iyo Cabdiraxmaan Faysal oo ah wiil caqli badan
Wariye Cali Ducale iyo Cabdiraxmaan Faysal oo ah wiil caqli badan

Bosaso(pp) Cabdiraxmaan Faysal Aadan wuxuu ka mid yahay dhalinyaradda ku nool magalo madaxda ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Dhowaan ayaan kula kulmay xeebta magalada Bosaso xilligaasoo uu Cabdiraxmaan Yare usoo aaday dabaal iyo dheelista kubadda cagta oo markaa saaxiibadiisa kulan ciyaareed ku lahaayeen.

Aqoon hore Cabdiraxmaan Faysal Aadan uma lahayn hase yeeshee waxaan dareemay inuu u baahan yahay inuu farriin gudbiyo, waxana ka qaatay waraysi kooban oo aan ku eegayay garaadkiisa iyo waxyaabaha uu maanka ku hayo.

Waa ardey dhigta Iskuulka Imaamu Shaafici, waana fasalka todobaad (Dugsi dhexe) wuxuu ii sheegay Cabdiraxmaan Yare markuu dhammeeyo Jaamacad inuu jecel yahay inuu noqdo wasiir Amni oo Soomaaliya ah, sababta uu ku doortayna wuxuu iigu sheegay sharafnimo.

Waxaan kaloo waydiiyay hadduu uu daawado ciyaaraha kubadda cagta kooxda uu taageero wuxuuna ku sheegay kooxda Ispeyn ka dhisan ee Barshinoola, sidoo kale waxaan sii waydiiyay hadduu uu kubadda cagta dheelo meesha uu ka ciyaaro wuxuuna sheegay inay tahay inuu ka ciyaaro difaaca ama qaybta danbe.

Cabdiraxmaan Faysal Aadan ayaa dhalinyaradda uga digay tahriibta isagoona ku sheegay inay tahay geeri qarsoon, ugu danbeyntii isagoo sii hadlaya Cabdiraxmaan ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay iska dhaafaan moobilada ay dadka ka furanayaan xiliga habeenkii xaafadaha Bosaso qaarkood.

Intii aan ku sugnaa xeebta Bosaso waxa kale oo aan ku arkay dhalinyaro kale oo aad ugu dhiiran inay dalkooda joogaan, wax ku bartaan kana shaqaystaan sidoo kale waxay dhalinta tahriibaysa uga digeen inaysan mustaqbalkooda ku dhimin wadan kale oo ay dalkooda aaminaan.

Cali Cabdi Ducale
caliducale1@gmail.com
Puntlandpost.com
Bosaso/Bari

The post 14-jir Soomaali ah oo doortay mustaqbalka inuu noqdo wasiir amni appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles