Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faah-faahin ka soo baxaysa nin galabta lagu dilay degmada Hodan ee gobolka Banaadir

$
0
0

Muqdisho-(PP)-Nin magaciisha lagu sheegay C/risaaq Xaaji Maxamed Xersi Masalle,ayaa galabta lagu dilaya afaafka hore Ex-cawadii caalamiga degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

 
Dablayda toogatay marxuumkan ayaa rasaas xooggan ku furtay gaariga uu watay oo ahaa Toyota Kaarib,halka malleeshiya dilka geysatay ay ku baxsadeen Baabuur noociisu ahaa Toyota Land Cruiser.

 
Qaar ka mida dadka ku dhaqan xaafadda taleex oo ah halka lagu dilay ninkan ayaa sheegay iney garanayaan balse ayan aqoon fiican u lahayn halka uu ka shaqeeyo iyo waxa uu qaban jiray toona.

 
Ma jirto cid loo qabtay falkan,balse laamaha ammaanka ayaa sheegaya iney ku raacjoogaan ragga dilka geystay.

 
Puntlandpost.com

 

 

 

The post Faah-faahin ka soo baxaysa nin galabta lagu dilay degmada Hodan ee gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>