Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mamulka Gobalka Bari oo ka digay dhalinyarada habeenkii moobilada dadka ka furta

$
0
0

12375993_922008041180018_7050803747865591107_nBosaso(pp) Mamulka Gobalka Bari ayaa ka digay falal xiliyada habeenkii dhalinyaro is aruur-satay ka sameeyaan qaar ka mid ah xaafadaha magalada Boasso, kuwaasoo dadka ka furta moobilada iyo agabka ay wataan.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Caways (Dhado) ayaa sheegay inay dhalinyarada wax baarta habeenkii inay hoggaaminayaan saddex wiil oo uu ku dhawaaqay magacyadooda iyo qabiilada ay kasoo jeedaan, wuxuna sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto falal dhaqan xumo ah oo uu sheegay inay Gabadhaha wadooyinka maraya kula kacaan.

Hadalkan ayuu Dhado ka sheegay kulan uu shalay magalada Bosaso kula yeeshay culimadda iyo waxgaradka magalada, kaasoo looga wada hadlayey sidii wax looga qaban lahaa falalkaasi oo qaarkood ku cusub magalada.

Labo habeen oo isku xigta ayuu sheegay in dad lagu baartay magalada kuwaasoo moobilo iyo lacag loogu qaatay sidoo kale gudoomiye Dhado waxa uu sheegay habeenkii in magalada lagu dhibaateeyo gabdhaha waxbarashada ka yimaada.

Ciidanka ammaanka magalada Bosaso ayaa dadaal ugu jira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhalinyarada fowdada habeenkii ka samaysa magalada Bosaso.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso

The post Mamulka Gobalka Bari oo ka digay dhalinyarada habeenkii moobilada dadka ka furta appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>