Istanbul(pp) Dhaq-dhaqaaq la magac baxay waxaa nahay hal (We are one) isla markasna ay ku midaysan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo waxbarasho u joogta wadanka Turkey ayaa ka hano qaaday dalkaasi, kaasoo si weyn loogu hadal hayo baraha ay bulshadu ku waxa xariirto.
Howlgalkan waxaa nahay hal ayaa saldhig u ah la-dagalanka Qabyaalada iyo jahliga kuwaasoo ah arrimaha ugu waa weyn ee umadda Soomaaliyeed ku habsatay wixii ka danbeeyay bur burkii dalka ka dhacay.
Waxaa nahay hal ayaa xafiisyo ku leh magalada Istanbul iyo Muqdisho, waxaana fikrad ay wada qaateen dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Turkey wax ka barta.
Kooxda We Are One ayaa kulamo wacyi galin ah ka wada Turkey kuwaasoo dhalinyarada loogu soo bandhigayo hadafka laga lee yahay Olalahan oo si howli ah u socda.
”WaxaNahayHal waa dhaqdhaqaaq dhallin yaro oo madani ah, udub dhexaaadna ay u yihiin dhallinta Soomaaliyeed, oo u istaagay la dagaallanka qabyaaladda iyo jahliga daashaday Soomaaliya iyadoo dadka la wacyi galinayo lana xasuusinayo in umada Soomaaliyeed ay wadaagaan waxyaabo badan oo umada badani aysan wadaagin, sida magacaba ka muuqato, waxan nahay dadka kaliya ee dunida haysta Hal Luqad (Afka Soomaaliga), Hal Diin (diinta Islaamka, iyo hal mad-hab ee Shaafiga ah), Hal Dhaqan, Hal Dal, Hal Calan. Hase ahaatee waxa cad in dadkeenu aysan u muuqan hadiyadahaas rabaaniga ah ee asaaska u ah midnimada iyo wadajirka. Waxa ka go’an WaxaNahayHal in ay fududeyso, gacanna ka geysato in la gaaro barwaaqo, nabad ku wada noolaasho, qarannimo iyo horumar waara, dalkana ka saarto mugdiyada jahliga ee udub-dhexaadka u ah cadaalad darrada, iyo colaadaha jira, sidoo kalena halka aynu maanta joogno na dhigay”
Najiib Cabdilaahi oo ka mid ah ardeyda wax ka barata dalka Turkey ayay kasoo maaxatey fikradan wuxuuna hadda dhaq-dhaqaaqan ka yahay Gudoomiye, mar aan la hadlayna wuxuu ii sheegay inay ku rajo weyn yihiin in barnaamijkan wada gaar siiyaan dalka oo dhan.
Dhalinyaradda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay dhankooda ka shaqeeyaan horumarinta dalka iyo garab istaaga dadka aqoon daridu hayso si looga bad baadiyo wadooyinka u hor seedi kara qalbi jab iyo wax qabasho la’aan.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
The post Dhaq-dhaqaaq la magac baxay waxaa nahay hal oo laga hir galiyay Turkey appeared first on Puntland Post.