Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Gaas oo dhagax dhigi doona dhismaha Garoonka Garowe

$
0
0

Garowe(PP):Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hada kusugan Gaalkacyo ayaa la filayaa inuu maal maha soo socda xariga ka jaro Garoonka Bosaso, oo dhismiisa uu gabo gabo marayo.

Gaas ayaa la sheegay intuusan Garoonka Bosaso xariga ka jarin inuu dhagax dhigidoono Garoonka Garowe, oo sida la sheegay dhismihiisu uu bilaaban doono dhawaan.

Waxaa dhisaysa Garoonka shirgad laga leeyahay dalka Turkiga’lacagta ku baxaysa waxaa Puntland ka caawinaysa dowladda Kuwait.

Garoomadda Garowe,Bosaso,iyo Gaalkacyo ayaa qayb ka ahaa mashaariic uu qabyo kaga tagay madaxweyne Farole,waxaana lagu waday inay bilowdaan xiligaas, inkastoo ay dib dhac ku yimaadeen, dadka qaarkii ay siyaabo kala duwan ku sheegay baaqadasha Mashaariicdaas.

Wasiirka Garoomadda iyo Duulista Hawada Puntland Xasan Cadde oo dhawaan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqadii ka socotay Garoonka Garowe lagu wareejiyey garoonkii hore ee Garowe ee Kanooko inta la dhisayo Garoonka.

Puntlandpost.com.

The post Madaxweyne Gaas oo dhagax dhigi doona dhismaha Garoonka Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>