Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jabuti oo dhex dhexaadinaya Dowladaha Kenya, Ethiopia iyo Somalia.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamud ayaa qorsheynaya in uu safar ugu kicitimo Magaalada Adis ababa , halkaasi oo sida aanu wararka ku helayno uu uga qeyb gali doono kulan la qorsheynayo in uu dhex maro Wadamada Ethiopia, Somalia Kenya iyo Jabuuti.

Kulanka ayaa wararku sheegayaan in uu ka danbeeyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo isagu doonaya in uu garwadeen ka noqdo dhex dhexaadin uu rabo in uu ka dhex sameeyo Masuuliyiinta kala ah Madaxweyne Xasan Shiikh , Madaxweynaha Kenya iyo Ray,isal wasaaraha Ethopia oo mudooyinkii u danbeeyey xiriirkoodu uu ahaa mid hooseeya.

Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa saluugsanaa siyaasada Dowlada Federaalka Somalia xilligan kaga howl galayso Somalia, kuwaas oo ciidamo ay ka joogaan Somalia , islamarkaana uu ahaa mid hooseeya xiriirka ay la wadaageen DF mid aad u liita.

Dowlada Kenya oo ciidamadoodu kaga sugan yihiin magalada Kismayo waxayna taageersan tahay shirka maamulka loogu dhisayo gobolada Jubooyinka halka ay ka biyo diidan tahay dowlada Federaalka ee uu Xasan Shiikh ka yahay Madaxweynaha.

Dhinaca kale xiriirka Ethiopia iyo dowlada Federaalka ah ayaa wanaagsaneyn kadib markii gudoomiyahii hore ee Bay oo xiriir dhow la lahaa ciidamada shisheeye ee gobolka sugan la badaley kuwaasoo deganadaas ka qabsadey xoogaga Al-Shabaab.

Wadanka Ethiopia ayaa dhinaca kale ka biyo diidan xiriirka sii kordhaya ee u dhexeeya dalka Masar oo ay ka arrimiyaan ururka Akhwaanul Muslimiin iyo koox diimeedka Damul Jadiid kuwaasoo awood siyaasdeed ku leh dowlada Xasan Shiikh.

Si kastaba ha ahaatee kulankaan ayaa la filayaa in diirada lagu saaro sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Uhuru Kenyata oo dhowaan la doortey Madaxweynaha Kenya, Ra’isal wasaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha DFS waxaana muuqata wadamada dariska la ah Somalia inaysan ku faraxsaneyn siyaasada Somalia dhanka DF qaabka ay ula jaanqaadeyso.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe Office


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>