Garowe: (pp)- Jaamacadda Bosaso University qeybteeda Magalada Garowe ku taal ayaa galinkii danbe ee shalay kulan dhiirin galin ah u qabatey Ardeyda dhigata dugsiyada sarre gaar ahaan fasalada Afaraad, kuwaas oo xiligan isu diyaarinaya galista Itixaanadii kama danbeysta ah ee JC.
Ujeedada jaamacaddu kulanka isugu yeertey ardayda ayaa waxay ku saabsaneyd saddexdan qodob oo kala ah :
1.Sidee baad u dooraneysaa takhasuskaaga.
2.Sidee baad waxbarashadaada usii wadanaysaa.
3.siyaabaha loo galo itixaanaadka Shahaadiga ah.
Kulanka ardeyda lagu dhiiri galinayey oo ku qabsoomey Xarunta Bosaso University Garowe, waxaa kasoo qeyb galey masuuliyiin ay ka mid yihiin, Gudoonka Jamacada, Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal iyo Ardey aad u faro badan oo hadda ku guddo jirra fasalka ugu danbeeyey ee Dugsiyada sarre Garoowe.
Gudoomiyaha Jaamacadda Bosaso University faraceeda magaalada Garowe C/naasir Xirsi Gurey ayaa waxa uu sheegey inay doonayaan talo ay gudbiyaan ardeyda hadda isu diyaarinaysa itixaanaadka kama danbeysta ee dugsiyada sarre.
C/naasir waxa uu ku booriyey ardeyda ahmiyad ay u leedahay in ay sii wataan waxbarashadooda, ka dib marka ay dhameystaan waxbarashada asaasiga, isagoona u jeediyey kalmado dardaaran ah.
Xasan Cabdulaahi Cilmi (Xasan birimo) oo ah Gudoonka Waxbarashada G,Nugaal ayaa si qoto dheer waxa uu uga hadley habka wax akhrinta iyo maareynta waqtiga, isagoona sheegey in ay muhiim tahay diyaar garow ardeygu sameyso ka hor inta aan la gaarin xilliga itixaanka.
Xasan Birrimo oo goobta kasoo jeediyey khudbad aad u dheer ayaa ardeyda uga sheekeeyey marxalado kala duwan oo ay cilmigooda kusii wadan karaan, , isagoona tusaalayaal usoo qaatey sheekooyin waayo waayo ah.
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal waxa uu ardeyda uga digey inaysan galista itixaanada ku sameyn khiyaano , midaas oo ula jeeday inay ka digtoonaadaan qishka iyo IWM, oo ku tilmaamey mid qofku naftiisa ku khasaarinayo.
Jaamacadda Bosaso University ayaa qeybteeda Garowe la furey horaantii sanadkan 2013, waxaana wax ka barta tiro dhan 215 Ardey sida uu Puntlandpost u sheegey Gudoomiye ku xigeenka Jamacadda C/risaaq Axmed Faarah.
C/rasaaq Axmed waxa uu sheegey in jaamacadu bixiso maadooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin kuliyada shareecada, Community Devolopment , Nutriton iyo Accountant And Finance.
Mr C/risaaq waxa uu intaas ku darey in Bosaso University faraceeda Garowe lagu bixiyo madooyin lagu barto habka loo yaqaan Distance Learning oo uga yimaada Jamacada la yiraahdo Sudan Open University , taasi oo hab Online ahaan ah ardeyda kusoo gaarsiisa.
Dugsiyada sare ee Puntland ardeyda dhigata fasalka afaraad ayaa isu diyaarinaya galista itixaanaadka , kuwaas oo laga dareemayo diyaar garow xoogan oo ay ugu jiraan in ay najiitooyin wanaagsan ka helaan itixaanaadkooda.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garowe Office.