Laascaano : (pp)- Magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta lagaga dhawaaqey dallad ay ku mideysan yihiin Dugsiyada Qur,aanka laga barto ee ku yaal Laascaano.
Ku dhawaaqida dalladda ayaa loo sameeyey xaflad taasi oo lagu qabtey xarunta Machadka Khadiija Bintu Khuweylad ee Magaalada Laascaano , waxaana loo bixiyey Dallada Al-Nuur Mutajamac.
Sheekh Mubaarak Koorre oo ka mid ah culimada magaalada Laascaanood ayaa ka warbixiyey ujeedada daladda wuxuuna sheegey inay dalladan ay tahay mid ka shaqeynaysa kor u qaadidda iyo fahamka aqoonta ardayda barata qur’aanka kariimka ah.
Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ah hogaamiyaha culimada Laascaanood ayaa isna waxa uu dhankiisa xusay in barashada qur’aanka kariimka uu macno wayn ugu fadhiyo ummadaha Islaamka, lana doonayo in bulshada loo baro si dhab ah.
Guddoomiyaha guddiga ganacsatadda ee gobolka Sool, ahna madaxa shirkadda isgaarsiinta ee Telesom ee Laascaanood Cabdirisaaq Axmed Warsame ayaa culimada ku boorriyay inay muujiyaan waxqabad dhab ah, iyaguna ganacsato ahaan ay ka qayb-qaadanayan wixii ay uga baahdaan culimadu.
Culima u,diinka Soomaaliyeed ayaa u istaagey inay ka hortagaan fikradaha khaldan ee diinka islaamka laga faafinayo, kuwaas oo raad ku reebay mudooyinkii u danbeeyey da,yarta iyo ubadka soo koraya ee baranaya diinta islaamka.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
laascaano.