Garowe(PP): Magaalada Garowe ayaa saaka isgaarsiin la’aan ku waabariisatay iyadoo ay khadadka telefoonka iyo adeega sahal uu hawada ka baxay saqdii dhexe ee xalay, lama garanayo sababta keentay arintaas waxaana maanta magaalada Garowe ee xarunta Puntland ay tahay mid istaagan, ganacsiga ayaa badankiisu ku xiran yahay talefoonka gacanta ee ay bixiso shirkadda Golis ee ah tan ugu weyn ee bixisa khadka telefoonka iyo adeega Sahal ee lacagta laysugu diro degaanada Puntland.
Waxay maanta magaaladu noqotay layslama hadlaan iyo inaan wax badan la kala iibsan Karin, lacagta shilinka Soomaliga ayaa wadanka ku sii ahaa mid gadaabsi ah, waxaana dadka badankiisu ama dhamaantood isticmaalaan adeega Sahal oo ah mid aad lacagtaada ku keydsan kartid, wax ku iibsan kartid, lacagna ku diri kartid kuna heli kartid.
Adeegsiga Technology-yada ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahayd Soomaliya oo dhan mid si aad ah u sii kordhaysay, waxayna nolosha ka dhigtay mid fudud. Maxamed oo ka mid ah ganacsatada Garoowe ayaa dhexfadhiya dukaankiisa oo koronto la’aan ah, “Korontadii waa layga goostay lacagtii oo aan la daahay owgeed, telefoonkii waa kan xiran, ma wici karo shirkaddii korontada, lacagtoodiina sahal uguma diri karo oo waa kaas telefoonkii go’an, xalku waa inaan fariin qof ah diro sidii qarniyadii hore” ayuu yiri Maxamed.
Shirkadada Golis ayaan looga baran in khadkeedu istaago, waxaase la rajaynaa in ay shaqso ah ku soo celiyaan adeegooda.
Puntlandpost.com
Garowe, Puntland