Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Axmed Madoobe oo baarlamaanka mar kale codsi horgeeyey iyo Xildhibaanada qaarkood oo diidan

$
0
0

Kismaayo-(Puntland Post)- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa baarlamaanka Jubbaland ka codsaday inay u kordhiyaan xiliga uu soo magacaabayo golaha wasiiradda oo hadal hayntooda ka socoto Kismaayo iyo deegaanada kale ee maamulka.

Axmed Madoobe ayaa baarlamaanka ka codsaday in sedex bilood oo dheeraada loogu daro wakhtiga uu ku soo magacaabayo Xukuumadda.

Xildhibaanada qaarkood ayaa dhaliilay codsiga madaxweynaha, waxayna sheegeen in labo jeer oo hore la siiyey fursad uu kusoo magacaabi karay wasiiradda, hadana aysan ahayn in mar sedexaad ay xili ukordhiyaan.

Madoobe ayaa lasugayey in uu ka hor 10 bishan ku soo magacaabo 1o wasiir oo ka mid noqon doono golaha wasiiradda, balse waxaan hadda si cad loo garanayn in uu soo magacaabi doono iyo in kale, maadaama uu baarlamaanka ka codsaday xili dheeraada.

Waxyaabaha ugu waa weyn oo Madaxweynuhu u soo magacaabi la ‘yahay wasiiradda ayaa lagu sheegay mucaarad kaga yimi Siyaasiyiin ka soo jeeda Geddo iyo beelaha oo mid walba rabo inuu iska dhex arko Wasiiradda.

The post Axmed Madoobe oo baarlamaanka mar kale codsi horgeeyey iyo Xildhibaanada qaarkood oo diidan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>