Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ka hadashay habka wax soo saarka dalka

$
0
0

Muqdisho-(Puntlandpost)Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxafadeed ay uga hadlayso habka wadaagga wax soo saar ee  qayaraadka dalka, ayadoo taageera ka heleeysa African Legal Support Facility (ALSF).

Dowladda Federaalka Soomaaliya  waaxa laga taageeraya dhanka qalabka wax soo saarka  Bangiga horumarinta Africa iyo African Legal Suport  ayaa loo xilsaaray in ay caawiyaan dalal ay ka mid tahay Somaliya oo laga caawinayo dhanka warshadaha iyo ganacsigaba.

Shirka looga hadlayey arimahan waxa lagu xulay ilaa Shan shirkadood oo si caalami ah loo xulay kuwa oo ka shaqayndoona arrimahan.

Wasiirka wasaradda Batroolka iyo Macdanta xukumadda Fadaraalka  mudane Maxamed Mukhtar Ibrahim ayaa yiri  “waa nooca ugu habboon  ee loo samayn karo habka shidaal sahminta iyo ka shaqaynta shirkadaha shidaalka”.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhanka shidaalka uu wato saameeyn intiisa la eg,  isagoo xusay in hishiisyada habwadaga wax soo saarka ay noqodonaan kuwo si caalami ah loo fuliyo.

Puntlandpost.com.

The post Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ka hadashay habka wax soo saarka dalka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>