Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Sagootiyey Ardey Deeq waxbarasho ka heshay waddanka Sucuudiga

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Wasiirka Waxbarahsada iyo Tactiinta sare iyo wasiir kuxigeenka wax-barashada  iyo Tacliinta sare ayaa subaxnimadii hore ee saaka 29-Dec-2015 qasriga Madaxyooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku sagootiyey arday deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ka helay Dawladda Sucuudiga gaar ahaan Jaamacadda Tabuuk.

Ardaydan Deeqda Waxbarasho ka heshay Dawladda Sucuudiga oo tiro ahaan gaareysa 8-adray ayaa qayb ka ah 283-arday kuwaas  oo sannadkan gudihiisa deeqo waxbarasho oo kala duwan ka kala helay waddamada Suudan, Itoobiya iyo  Masar, dhammaantoodna  kasoo qalin jebiyey dugsiyada kala duwan ee Gobolada Puntland.

Wasiirka wasaaradda Wax-rashada iyo Tacliinta Sare Prof.Abshir Aw-Yuusuf Ciise  ayaa madaxweynaha uga war-bixiyey dedaalka dheeraadka  ah ee ay wado wasaaradda wax-barashadu isagoona tilmaamay inay tahay markii ugu horeysey ee Dawladda Puntland ay deeq warbarasho ka hesho  Waddanka Sucuudiga taasina ay muujinayso dedaalka dheeriga ah ee ay latimi Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu mahadceliyey Wasaaradda Wax-barasha dedaalka ay ugu jirto sidii looga miradhalin lahaa yoolka Dawladda Puntland ay hiigsanayso oo ah sidii loo heli lahaa xeel dheerayaal aqooneed oo Puntland ay kula Tartanto waddamada hore-umaray.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  kula dar-daarmay Ardaydii nasiibka u yeelatay in ay helaan deeqdan wax-barasho in  loo baahan yahay inay ka faa’iideystaan, dalkooda iyo dadkoona ay uga faa’iideeyaan isla markaasina waxa ay soo bartaan ay dalkooda dib ugu soo celiyaan si ay u anfacaan jiilasha  iyaga ka-dambeeya.

Geba-gebadii Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku boorriyey ardaydii deeqdani heshay  qiimaha ay leedahay wax-barashadu isagoona ku dhiirigeliyey inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada dalkooda iyo tan dalka ay wax kabaranayaanba taasna ay ku heli karaan oo kaliya inay layimaaddaan dedaal dheeraad ah.

—DHAMMAAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_1727

IMG_1674IMG_1676IMG_1681IMG_1685IMG_1691IMG_1702

The post Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Sagootiyey Ardey Deeq waxbarasho ka heshay waddanka Sucuudiga appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>