Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ururka NUSOJ oo soo dhoweeyey ansixinta xeerka warbaahinta Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho (Puntland Post) — Ururka Saxafiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ ayaa soo dhoweeyey habka uu baarlamaanka dowladda fadaraalku ku meel mariyey ansixinta xeerka warbaahinta dalka.

Xoghayaha Ururka Nusoj oo la hadlay warbaahinta gudaha Maxamed Ibraahim Bakistaani ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan xeerka,wuxuna carabaabay inay tahay talaabo wanaagan oo usoo hoyatay Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxa uu xoghayuhu sheegay in “Wariyayaasha Soomaaliyeed uu baal cusub ufurayo xeerku.” Waxa na uu hadalkiisa ku sii daray in “Haddii madaxweynuhu saxiixo uu [xeerkaani] noqonayo markii ugu horaysay oo warbaahinta Soomaaliya yeelato xeer ugaara.”

Qodobada qaarkood oo markii hore ay dhaliil ka muujiyeen NUSOJ iyo warbaahinta qaarkeed ayuu tilmaamay in wax badan laga badalay, balse waxa uu xusay in aysan wali dhammaan cabashadu.

Baarlamaanka fedaraalka ayaa shalay hab gacantaag ah ku ansixiyey xeerka, 142 mudane ayaa soo xaadirtay kulanka, 139 xildhibaan ayaa oggolaatay in la meel mariyo, saddex mudane ayaa ka aamusay, mana jirin cid diidday.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa baarlamaanka uga mahadceliyey sida ay u meel mariyeen xeerka.

The post Ururka NUSOJ oo soo dhoweeyey ansixinta xeerka warbaahinta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles