Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo maanta Garoowe ka dhagax dhigay dhismayaal wasaaradood

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta 30-Dec-15 dhagax dhigay dhismaha  Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ay ku yeelanayso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Dhagax dhigga Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal , shirkaddii dhisaysey wasaaradda iyo dadweyne kale oo aad u tira badan, waxaana lagu dhisayaa Wasaaradda hal-kudhiggii Madaxweynaha ee ahaa Puntland Haysku tashato barnaamijkaas oo Puntland si rasmi ah uga taabba galay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay Wasiirka  Maaliyadda Dawladda Puntland Cabdulaahi Sheekh Axmed dedaalka dheeraadka ah ee uu  kubixinayo horumarinta iyo tayaynta wasaaradda iyo sidii  loo heli lahaa dhisme caalami ah oo ay yeelato Wasaaradda Maaliyadda Puntland si’ loo dar-dargeliyo koboca dhaqaalaha Dawladda  Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka dib dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe ee  Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska, maadaama ay wasaaraddu ka mid tahay wasaaradaha ugu ballaaran Puntland isla markaasina ya muhiim tahay in ay hesho dhisme ka bedelan kan ay hadda ku shaqayso.

Waxaana ka soo qayb galay dhagax dhigga wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, shirkadii dhisaysey Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Murwo Aniisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin dedaalka baaxadda leh ee ay ugu jirto horumarinta iyo tayaynta Wasaaradda, maadaama wasaaraddu ay  ku taxalluqdo arrimaha hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaanba arrimaha bulshada taasina ay u baahantahay in il gaara lagu hayo dhismahanina uu waxbadan ka-qabandoono arrimaas oo dhan.

Wasaaradaha Dawladda Puntland ayaa intooda badani  waxay u wada guureen  dhismayaal casri ah taasina waxay markhaati u tahay sida ay Dawladda Puntland cagaha u saartay dhabbihii horumarka iyo sinnaanta taaso gundhiggeedu yahay isku tashi Dawladda iyo shacabka ah.

—DHAMMAAD—

 

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_9504IMG_9515IMG_9524IMG_9527
IMG_9537
IMG_9539


IMG_9567
IMG_9575IMG_9579
IMG_9597
IMG_9613IMG_9642IMG_9664IMG_9666
IMG_9675

IMG_9686
IMG_9689
IMG_9699
IMG_9717IMG_9740IMG_9759
IMG_9766

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo maanta Garoowe ka dhagax dhigay dhismayaal wasaaradood appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>