Garowe-(Puntlandpost)- Qaarkamid ah shacabka ku nool magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland ayaa aragtidooda ka dhiibtay siday u arkaan maamulka dhawaan lagaga dhawaaqay degmooyin ka tirsan gobolka Bakool.
Dadka fikirkooda dhiibtay ayaa ku kala argti dowanaa hadalka,waxayna qaarkood sheegeen in maamulkaasi uu yahay mid carooday islamarkaasna dadkaasi ay ka xunyihiin qaabka maamulka Koonfur galbeed uu wax ku qaybshay, balse waxay xuseen inuusan noqon nayn maamulkan cusub mid hirgala,iyagoo ku sababeeyey inuu yahay sadex degmo oo kaliya.
Shacabka qaarkii ayaa sheegay in maamulka Bakool sare uu noqonayo mid meel mara oo la aqoonsado, iyagoo hadalkooda sii raacshay in dadkaasi ay waajibkoodi ka waayeen maamulka Koonfur galbeed.
Maamulka Bakool sare waxaan aqoonsaday Puntland,xilhdibaano kasoo jeeda Bakoool oo ku jira Baarlamaanka Fadaraalku ayaa dhawaan sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay dhibaato ka abuurayaan gobolkaas.
Halkan ka Dhagayso codka Shacabka.
Puntlandpost.com.
The post Qaar kamid ah Shacabka Garowe oo ka hadlay maamulka Bakool sare appeared first on Puntland Post.