Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland oo ka hadlay xili kordhinta uu dalbaday Axmed Madoobe

$
0
0

Kismaayo-(Puntlandpost)- Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Shiikh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in Baarlamaanka Jubbaland uu maalmaha soo socda ka doodi doono codsiga madaxweynuhuu uu ku doonayo in xiliga uu kusoo magacaabay wasiiradda loo kordhiyo.

Shiikh Cabdi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu baarlamaanka korkeenay codsi ku aadan in xildhibaanadu u kordhiyaan mudada uu kusoo magacaabayo wasiiradda.

Kala aragti duwanaan laga soo sheegayo baarlamaanka oo ku aadan arintan ayuu ku sheegay inay dhicikarto inay jirto,waxaan xildhibaanada qaarkood la sheegay inay ka horyimaadeen codsiga madaxweynaha.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in baarlamaanku uu qaadan doono sidii ay u arkaan in shacabka ay matalaan dani ugu jirto.

Xiliga lasiiyey inuu kuso magacaabo Madaxweynaha wasiiradda ayaa ku eg bisha Kowaad,isagoo hada codsaday sedex bilood in loogu daro,hadii baarlamaanku ansixyaan wuxuu noqonayaa markii sadexaad oo baarlamaanku ukordhiyaan xiliga uu kusoo magacaabayo wasiiradda.

Caqabadaha hortaagan ee Axmed Madoobe usoo dhisi la yahay wasiiradda ayaa lagu sheegay in beel walba rabto inay iska dhex aragto wasiiradda iyo cadaadis kaga yimi Siyaasiyiinta qaarkood.

Halkan ka Dhagayso Codka gudoomiyaha baarlamaanka.

120520_001

Puntlandpost.com.

The post Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland oo ka hadlay xili kordhinta uu dalbaday Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>