Kulliyadda Tababarka Barayaasha Puntland ee GTEC ayaa lagusoo bandhigay Cilmi baaris ku adan Ilaalinta Nabadgelyadda,Dhowrista Deegaanka, Waxbarashadda & Culum kale, daahfurka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxda wasaarada waxabarashadda Puntland , Aqoonyahano,Madax ka socotay Hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada ,Barayaal,Arday iyo Marti sharaf kale.
Cabdiraxmaan shiikhdoon Cali Maamulaha Kulliyadda GTEC oo ugu horeyn sharaxay Cilmi baarista iyo ujeedkii looga gollahaa ayaa sheegay in Cilmi Baaristaan aysamaysay Jaamacada TGEC oo kaashanaysa ardadeeda iyo Macallimiinteeda ayna diirada ku saareen xog uruurintaani dhinacyada Waxbarashada,Nabadgalyada iyo ilaalinta deegaanka oo ah waxyaabaha Gundhiga u ah nolosha aadanaha,isla markaana ay tahay Cilmi baaristii Sadexaad ee ay kulliyadu samayso
Xiririyaha Hay,adda DIAKONIA Muna Maxamed Yusuf ayaa shaaca ka qaaday in Xafiiskeedu uu diyaar u yahay sidii uu gacan uga siin lahaa bahda waxbarashadda sare Cilmi baarita noocaani oo kale.
Axmed Cali Shire Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarasahda iyo Tacliinta sare ee Puntland oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadashay bandhigaani waxa uu bogaadiyay dadaalka jaamacadu u gashay cilmi baaristaani sheegayna in ay muhiim tahay in laag fakaro sidii loo gaarsiin lahaa xog uruurintaan ayna u fahmi lahaayeen Bulshadii u baahnayd isagoona tusaale u soo qaatay reer guuraaga iyo dadka dagan xeebaah Puntland.
Dr, Maxamed cali Faarax Wasiirk ku xigeenka waxbarasahda iyo tacliinta sare ee Puntland si rasmi ah u daahfuray munasabadda bandhiga Cilmi baarista ayaa u mahadceliyey bahda kulliyadda GTEC dadaalki ay ku bixiyeen in la sameeyo cilmi baarista oo lagu saleeyey nolosha asaasiga ah ee bulshada Puntland.
Wasirku waxaa kaloo sheegay in cilmi baaristu ahmiyad weyn u leedahay Jamacadaha iyo Guud ahaan bahda taclinta,iyadoo Caalamku tahay meelaha uu ka qiimeeyo Jamacadaha dhanka cilmi baarista iyo sida ay u sameyaan.
Munasabadda oo ahayd mid Maalinle ah ayaa ka qaybgalayashu si weyn usoo dhaweyeen,isla markaana lagu booriyey madaxda iyo qaybaha GTEC in ay xil iska saraan sidii cilmi baarista noocaani ah looga hirgelin lahaa dhulka Miyiga ah.
The post Kulliyadda Tababarka Barayaasha Puntland ee GTEC oo soo Bandhigtay Cilmi baaristii Sadexaad appeared first on Puntland Post.