Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hambalyo u diray shacabka reer Puntland dhalashada sanadka cusub awgeed

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa uga habmalyeeyey Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan dadweynaha Reer Puntland dhalashada Sannadka Cusub ee 2016-ka .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali  ayaa eebbe uga baryey ummadda soomaaliyeed sannadkii tegey khayrkiisa inuu siiyo sidoo kalena sanadka cusub ee  caawa dhashay uu uga dhigo sannad barwaaqo.

“Sanad wanaagsan ayaan leeyahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan dadweynaha reer Puntland,  ilaahay waxaan uga rajeynayaa in uu sannadkii tegeyna khayrkiisa na siiyo, kan caawa dhashayna wanaagiisa uu nasiiyo sharkiisana uu naga duwo” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sannadkii tegey ee 2015-ka ku tilmaamay sannad horumar oo ay Puntland ku tallaabsatay guulo wax ku ool ah  isagoona sannadkan cusub ee 2016-ka ilaahay ka rajeeyey inuu noqdo sannad ay Puntland hananto guulo isbadajoog ah kuwaas  oo waxbadan ka bedeli doono wejigii Puntland lagu yaqaaney.

“Sannadkii lasoo dhaafay dadka reer Puntland Wuxuu  u aha sannad guul ah, hourmar baaxad weyn ayay na gaareen, wayna isku tashadeen, sannadka soosocda waxaana rajeynaynaa guulo is daba joog ah kuwaas oo la xiriir dhanka mashaariicda, ladagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta dawladnima wanaaga”sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale xusay doorashooyinka  lafilayo bisha agoosto sannadkan 2016-ka inay ka qabsoomaan Soomaaliya isagoona u rajey inay kasoo baxaan doorashooyinkaasi wax soomaali oo dhan dani ugu jirto.

“ilaahay waxaan ka rajeynaynaa 2016-ka dawladnimo soomaaliyeed oo sida hadda layahay dhaanta oo nidaam soomaliyi heshiis ku tahay kagana baxdo nidaamkii qabaliga ahaa ee muddada dheer lagu soo dhaqmayey una gudubto nidaam kudhisan caddaalad deegaan iyo mid dadeed noqotana sannadkii soomaliya ka guureysey Soomaaliyadii hore una guureysey Soomaaliyada Cusub” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas

 

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

IMG_9926IMG_9958

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hambalyo u diray shacabka reer Puntland dhalashada sanadka cusub awgeed appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>