Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Waan wareerayaa haddaan shaah sanjabiil-leh cabin maalintii

$
0
0

Shaah JacayleDurduri(Puntland-Post) Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida aadka looga cabo, shaaha gaar ahaan kan cadayska ah, dadka caba siyaabo kala duwan ayuu u qabtaa.

Siciid Cali Sanyare waxa uu ka mid yahay dadka ka shaqeeya beeraha ku yaala tuulada Durduri ee degmada Laasqoray, waxaan xiili subax ah ku booqdey beerta uu ka shaqeeyo, waqtigaa waxaa dabka u saarnaa kirli oogo madow kaasoo aad u kar karayay markaa.

Sanyare waxa uu ii sheegay mudo ka badan labaatan sano inuu shaaha samaysanayay, kaasoo ka duwan kuwo lagu kariyo meheradaha Soomaalida, wuxuu ku darsadaa Sanjabiil oo uu aaminsan yahay inuu yahay daawo wax tar leh.

Isaga ayaa gacantiisa ku miisaamanaya sonkorta, caleenta iyo sanjabiisha, wuxuuna ka dib ku darsanayaa caanaha lo’da ee la qalajiyay (Caano-Cost), dadka ayuu ugu baaqay inay ogaadaan Sanjabiisha oo daawo u ah xanuuno uu carabaabay,” Shaaha lagu kariyo meherada igama jabiyo saqdarada i haysa, kirliga xitaa iguma filna aniga” waa hadala aan ka qabtay Siciid Sanyare.

Waxaa jira dad kale oo aaminsan in shaaha laga helo tamar, halka odayaasha qaarkood aad u jecel yihiin shaaha sonkorta yar.

Cali Cabdi Ducale
Caliducale1@gmail.com
Puntlandpost.com

The post Waan wareerayaa haddaan shaah sanjabiil-leh cabin maalintii appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>