Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowladda federaalka oo lacag badan lunsatay

$
0
0

Muqdisho-(Puntland post)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in loo haysto lunsashada lacago malaayiin Dollar ah, taasoo inteeda badan la xaday sanadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan Fargeeti ayaa shaaca ka qaaday in lacago xad dhaaf ah ay ku maqan tahay dowladda Soomaaliya,xilli uu shalay ka hadlayay xarunta Baarlamanka Soomaaliya.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney fadeexad ku tahay dowladda dhexe ineysan meelna ku sheegin lacagahan maqan.

HOOS KA AKHRI LACAGAHA LA LUNSADAY IYO QAABKA LOO LUNSADAY

Wasiirka Maaliyada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si faah faahsan uga hadlay qaabka lacagahaas loo waayay.

Lacagaha miisaaniyadii hore ka hartay ee ay dowladda federaalka Soomaaliya dhiibi weyday waxaa kamid ah sida uu sheegay Wasiirka maaliyaddu mushaarkii iyo gunnooyinka shaqaalaha iyo wasiirrada oo gaareysa 13,668,712 Dollar (Sedex iyo toban Milyan, lix boqol lixdan iyo sideed kun iyo 712 Dollar)

Sidoo kale waxaa maqan Mushaarkii Ciidamada asluubta oo gaaraya 975,000 (Sagaal boqol, todobaatan iyo shan kun) oo Dollar, sidoo kale ciidamada Militeriga ayaa waxaa dhankooda ka maqan lacag gaareysa 6,490,960 Dollar (Lix Milyan, afar boqol iiyo sagaashan kun iyo sagaal boqol iyo lixdan kun).

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidamada nabad sugida qaranka la siin waayay lacag dhan 914, 666 ( sagaal boqol afar iyo 10 kun iyo lix boqol lixdan iyo lix Dollar).

Gunada Safaarahada ayaa dhankooda waxaa ka maqan lacag gaareysa 622. 342 (Lix boqol labo iyo labaatan kun sedex boqol afartan iyo labo) Dollar.

Raashinka ciidamada asluubta waxaa ka maqan 389, 046 Dollar, halka Raashinka ciidamada xooga ay ka maqan tahay 1,238,461, sidoo kale Raashinka booliska waxaa maqan 1,0800 (Hal Milyan iyo Sideed boqol) Dollar, sidoo kale Raashinka ciidamada Nabad sugida waxaa maqan 536,200 Dollar

Dhamaan Lacagahaas marka la isku geeyo waxaa ay noqonayaan 25,843,387 Dollar. lacagtaasna waxaa ay ahayd lacagtii dowlada loo asnixiyay sanadkii 2015 bilowgeedii markaas oo ay baralaanka horgeysay.

Daymo kale ayaa dowlada lagu leeyahay taas oo gaareysa 4,200,000 (, daymahaasna waxaa ku leh shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Dahabshiil oo ku leh 3 milyan halka Hal Milyan iyo labo boqol ay leedahay Bangiga Salaama Bank.

Dhanka kale waxaan la ogayn halka lagu qarash gareeyay lacag dhan 20 Milyan oo ku jirtay miisaaniyadii DF Soomaaliya ay xili hore soo gudbisay.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa diiday iney ansixiyaan miisaaniyda cusub ee sanadkan 2016-ka iyadoo gudi ay ku jiraan Wasaarada maaliyada iyo hanti dhowraha guud loo xilsaaray iney soo baaraan halkii ay lacagahaas ku baxeen.

The post Dowladda federaalka oo lacag badan lunsatay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>