Kismaayo-(Puntland post)-Ururka Al-shabaab ayaa xukun dil ah ku fuliyay dhalinyaro lagu eedeeyay inay basaas u ahaayen dowladda federaalka Sommaaliya iyo reer dalalka galbeedka oo ay ku tilmaameen jaajuusiin u shaqaynayay cadawga Islaamka.
Dhalinyaradaan oo tiradooda lagu sheegay shan qof, ayaa Afar ka mida lagu toogtay fagaare ku yaalla degmada Saakoow ee gobolka Jubbada hoose,halka midka kalena la gawracay.
Ninka la gawracay ayay ku sheegeen Ururka Al-shabaab-ku inuu hagayay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka loo yaqaan,taasoo duqaymo ka geysan lahayd degaanno ka mida goobaha ay iyagu xukumaan.
Dhallin yadaradan la laayaya ayaa magacyadooda lagu kala sheegay,Axmed Cali Ibraahim oo da’diisu ay ahayd 22 jir,Cabdinaasir Cali Maxamed oo da’diisu ay ahayd 21 jir,Cabdinajiib Cusmaan Cosoble oo da’diisu ay ahayd 19 jir,Cabdullaahi Xasan Abuubakar oo da’diisu ay ahayd 19 sano jir iyo Aadan Max’ed Isaaq oo da’diisu ay ahayd 19 sano jir.
Bishii Septembar ee 2014-ka ayay ahayd markii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ay dileen hoggaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi godane,kaasoo sida la rumaysan yahay ay basaaseen rag ka dhawaa halka uu kaga sugnaa degaanka lagu dilay.
Ururka Al-shabaab oo gacanta ku haya degaanno badan oo ka mida gobollada koofurta Soomaaliya ayaa waxaa soo wajahday cabsi la xiriirta weerarro isugu jira cirka iyo dhulka oo lala bar-tilmaameedsanaya fariimiha ay ku leeyihiin meelaha ay ka arrimiyaan.
The post Shan dhallin-yaro ah oo lagu laayay Saakoow appeared first on Puntland Post.