Baydhabo – (Puntland Post) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur galbeed waxaa laga furay xarun ay leeyihiin dhalinyarada gobolka Baay,waxaa dhisay xarunta Hey’adaha UNHCR iyo DRC.
Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Koonfur galbeed Cabdiraxmaan sate ayaa xariga ka jaray wuxuuna sheegay in xaruntan ay tahay xafiis ay yeelan doonaan dhalinyarada ku nool gobolka Baay, isagoo tilmaamay in qaybo badan isugu jirto, Ha’yadaha UNHCR iyo DRC ayuuna u mahadceliyey.
Waa markii ugu horaysay oo dhalinyarada gobolka Baay loo waxeeyo xafiis kanoo kale ah, waxayn xaruntu ka kooban tahay Xafiisyo, meelaha Jir dhiska,Hoolal iyo kuwa kale.
The post Baydhabo oo laga furay xarun dhalinyaradu leeyihiin appeared first on Puntland Post.