Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidamo Ethiopian ah oo gaaray Kismaayo

$
0
0

Kismaayo (Puntland Post): Ciidamo gaaray 250 oo Ethiopian ah ayaa la geeyey magaalada Kismaayo xarunta KMG ah maamulka Jubbaland kuwaas oo qayb ah AMISOM.

Waxa ay ciidamadaani  badali doonaan  ciidamadii Siraaliyoon oo Soomaaliya isaga baxay bishii Janaayo ee sanadkii 2015,  sababo lala xiriiriyey dhanka Caafimaadka, kadib markii dalkooda laga helay cudurka Ebola.

Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa xaqiijiyey in ciidamo Itoobiya ay yimaadeen Kisaamyo,waxayna sheegeen in ciidamada Itoobiyaanka, kuwa Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay dhowaan qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee joogaa degmooyinka Jilib, Jamaame, Xagar, Bu’aale iyo deegaano kale sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa fariisamo ka samaystay dekada Kisaamyo,Garoonka iyo duleedka magaalada,waxaana dekeda Kismaayo ku soo xirtay maraakiib waday hub iyo saanad ciidan.

The post Ciidamo Ethiopian ah oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>