Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo daahfuray shirka isla-xisaabtanka hay’adaha dawladda

$
0
0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka daahfuray shirkii sannadlaha ahaa ee isla-xisaabtanka hay’adaha dawladda Puntland, shirkaas oo loo qabto si bulshadu ay u ogaato waxa ka qabsoomay iyo waxa ka qabsoomi waayey ballanqaadyadii ay dawladdu u samaysay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in barnaamijkaani inuu ku qotomo sidii ay bulshada iyo dawladdu u kala warqabi lahaayeen maadaama cidda ay dawladdu u adeegayso ay bulshada tahay.

“Waxaa loo shaqeynayaa waa dadweynaha reer Puntland, waxaana waajib ah in shacabka iyo dawladdu isu muuqdaan, shacabku waa in ay arkaan waxa u qabsoomay xukuumadda iyo waxa aan u qabsoomin” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tilmaamay cidda leh qiimaynta rasmiga ah ee ku saabsan wax-qabadka dawladda inay yihiin dadweynaha Reer Puntland balse aanay ahayn xukuumadda dhexdeeda, taasina ay tahay sababta keentay qabashada shirkan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in ka-madaxweyne ahaan ay u kala qiimaysan yihiin wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladdu isla markaasina uu ogyahay wasaarad walba waxa ay qabatay iyo waxa ay ka-gaabisay iyo sababta balse uu doonayo in shacabkuna ay la socodaan maadaama ay iyagu leeyihiin qiimaynta kama dambaysta ah.
































La soco Warbixino Dheeraad ah oo aanu idiinkasoo gudbino xarunta uu shirku ka socdo.


Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka,
Madaxtooyada Puntland,
Garoowe

The post Madaxweynaha Puntland oo daahfuray shirka isla-xisaabtanka hay’adaha dawladda appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>