Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo soo booqday Wasaarada Deegaanka Puntland

$
0
0

Garowe-(Puntlandpost) Ra’iisul wasaarihii hore ee dawlada Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa saaka soo booqday wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Cabdiweli oo ay wehelinayeen siyaasiga Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow iyo Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Cabdiraxmaan Shiikh Axmed ayaa soo kormeeray qaybaha kaladuwan ee ay Wasaaradu ka koobantahay.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame iyo agaasimaha guud ee Wasaarada Dr. Cabdirisaaq Maxamed Cali iyo shaqaalaha wasaarada ayaa kusoo dhaweeyey xarunta dhexe ee Wasaarada Deegaanka iyagoo qaybaha wasaarada soo arkay soona indha-indheeyey sida habsimida leh ee ay shaqadu usocoto.

Dr. Cali Cabdullaahi Warsame Wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland oo waftiga soo booqday la hadlay ayaa uga mahadceliyey booqashada ay kuyimaadeen xarunta Wasaarada waxaaana uu ka sheekeyey taariikhda Wasaarada oo kamid ah wasaaradihii ugu danbeeyey ee dawlada Puntland lagu soo daray.

Wasiirku wuxuu sheegey in ay shaqo adag wasaaradu hayso islamarkaasna ay ku mashquulsanyihiin sidii loo balaarin lahaa wasaarada islamarkaasna ay u gaari lahayd dhul horleh, qorshaha sanadka cusub ayuu sheegey inay kamid tahay fulinta qorshaha shantasano ee wasaaradu ku shaqaynayso taasoo ay kamid tahay badbaadinta deegaanka, hormarinta dalxiiska Puntland iyo sidii loo samayn lahaaqorshe lagu badbaadinayo Duurjoogta.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweyey wasaarada Deegaanka iyo guud ahaan Puntland waxayna sheegeen in hormarka laga sameeyey nidaamka dawliga ah ee Puntland uu cashar u yahay guud ahaan Soomaaliya loona baahanyahay in laga faa’idaysto maamul wanaaga Puntland ka jira.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe

The post Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo soo booqday Wasaarada Deegaanka Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>