Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo siweyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayey  ayaa maanta 05-Jan-16 si weyn loogu soo dhoweeyey  magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Wafdiga  Madaxweynha ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, XIldhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Wetiga Madaxweynaha aya intii ay jidka kusoo jireen  waxaa ay kusoo hakadeen tuulada Shire halkaas oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey, isla mar ahaantaana Madaxweynuhu dadkii soo dhaweeyey uu mid mid u gacan qaaday.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi kadib soo gaadhey Degmada Qardho ,halkaasi  oo ay kusoo dhoweeyeen boqollaal dadweyne ah kuwaas oo si aan kala har lahayn ugu soo baxay soo dhoweynta Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu soo gaadhey magaalada  Qardho meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha Magaalada kuwaas oo ilaa shalay diyaar garoow ugu jirey  sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, islamarhaantaana uga mahadceliyey sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa  intaasi kadib dhagax dhigay Xarunta Guriga Gobolka Karkaar isagoona Xarigga ka jaray Dhismaha Madaxtooyo Cusub ee magaalada Qardho, taas oo Dawladda Puntlan ka hirgelisey Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Qubuuraha magaalada Qardho kaga qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyey mid kaid ah Saraakiisha Ciidamada Dawladda Puntland oo ku nafwaayey hawl-gal uu kawadey Gobolka Karkaar iyo laba qof oo shacab ah oo dabley hubaysani kudileen Deegaanka Qayaad-same ee Gobolka karkaar.

Madaxweynaha ayaa ilaahay uga baryey saddexda marxuun in uu u naxariiso qabrigana u waasiciyo dhammaan shacabka Puntland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo, gaar ahaa sarkaalka naftiisa kuwaayey isagoo qaranka u shaqaynaya.

—DHAMMAAD—

  XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA , HIDDAHA DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

IMG_2198 IMG_2241 IMG_2250 IMG_2255 IMG_2256 IMG_2257 IMG_2276 IMG_2282 IMG_2287 IMG_2288 IMG_2292 IMG_2299 IMG_2306 IMG_2313 IMG_2319 IMG_2320 IMG_2329 IMG_2335 IMG_2337 IMG_2340 IMG_2342 IMG_2346 IMG_2347 IMG_2348 IMG_2364 IMG_2375 IMG_2376 IMG_2383 IMG_2401 IMG_2411 IMG_2415 IMG_2421 IMG_2429 IMG_2431 IMG_2447 IMG_2452 IMG_2455 IMG_2456 IMG_2459 IMG_2460 IMG_2468 IMG_2476 IMG_2483 IMG_2496 IMG_2497 IMG_2501 IMG_2510 IMG_2513 IMG_2526 IMG_2527 IMG_2539 IMG_2553 IMG_2563 IMG_2577 IMG_2581 IMG_2584 IMG_2592 IMG_2598 IMG_2602 IMG_2604 IMG_2611 IMG_2618 IMG_2625 IMG_2633 IMG_2638 IMG_2640 IMG_2648 IMG_2654 IMG_2657 IMG_2659 IMG_2660 IMG_2672 IMG_2674 IMG_2676 IMG_2682 IMG_2698 IMG_2707 IMG_2710 IMG_2724 IMG_2733

The post Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo siweyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>